Howlihii dekadda magaalada Kismaayo oo gebi ahaanba istaagay, kadib duqeymo loo geystay.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo warramayaa in Howlihii Dekadda  Magaalada Kismaayo ay maanta istaagtay, waxayna taasi ay  uga wacan tahay cabsi la soo deristay shaqaalihii ka howlgalaayay Dekadaasi.

Sidoo kale Cabsida Shaqaalaha Dekadda Kismayo ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii xalay Magaalada Kismaayo Deegaan ka mid ah ay duqeeyeen Diyaarado dagaal oo aan la garanayn xilli ay halkaasi ka arkeen Ciidamo Ajaanib oo ka barbar dagaalama Al-Shabaab oo dhaq dhaqaaq halkaai ka samaynaaya.

waxaa horay  loo sheegay in Midowga Afrika ay codsatay in xayiro dekadaha iyo garoomada ku yaala goobaha ay ka taliyaan Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, hase yeeshee weli lama arag talaabadasi oo dhaqan gashay.

Dhanka kale mid ka mid ah Shaqaalaha ka howlgala dekadaasi oo codsaday in magaciisa la sheego inuu ayaa wuxuu yiri: “Waxaan u baqanay nafteena inay Qatar la soo deristo, sidaas darted waxaan  horta ogaanaynaa dhibaatada inta ay la egtahay.

Si kasta ha ahaatee  Dekadda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dega waxoogaa Ganacsi ah oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, inkastoo Dowladda KMG ah horay u sheegtay in dekadaasi ay Shabaabku kala soo degaan Hub uga yimaada wadamo iyaga kaalmeeya.

SomaliSwiss           Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: