Diyaarado duqeeyay goob ay ku sugnaayeen dagaal yahano ajaaniib ah oo ka tirsan xarakada Al-Shabab ee gobolka Jubada Hoose.

Halkaan ka akhri

War lagu kalsoon yahay oo laga helay dad ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose, ayaa  caddeeyey in shalay diyaarado nooca Helekobtarada ah oo ku duulayeen joog hoose ay galinkii dambe ee shalay ay duqeyn xooggan u gaysteen Saldhig ay ku lahaayd Xarakada Al-Shabaab deegaanka Qandal, halkaas  oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano Ajaaniib ah oo ka tirsan Al Shabaab.

Warku wuxuu intaas ku darayaa  in inta  la’ogyahay ay ku dhimateen 2-qof, kadib markii dhaawac halis ah uu ka soo gaaray duqeymahaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2-qof kale oo iminka lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo halkaasi oo xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo.

Sidoo kale dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay inay maqleen Madaafiic xooggan oo ku soo dhacday deegaankooda kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay qal qal galisay dadkii ka agdhawaa halka la duqeeyay, waxayna intaas ku dareen in Ciidamada Al-Shabaab ay iyaguna rasaas ku fureen diyaaradahaasi.

Hogaamiyaha Xarakada  Al-Shabaab ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo la hadlayey Warbaahinta ku hadasha afka Shabaabka ayaa waxay sheegtay in diyaaradahaas laga leeyahay wadamada Faransiiska iyo Maraykanka ay duqeymo ka gaysteen deegaanka Qandal oo uu sheegay in Al Shabaab ay iska difaaceen weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in labo ka mid ah askartooda ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen duqeymahaasi.

 Hase yeeshee ma’ahan markii ugu horeysay oo diyaarado laga leeyahay wadamada reer Galbeedka ay duqeymo ka gaystaan Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Koofurta Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in diyaaraha Maraykanka duqeymo ay ka gaystaan Koofurta Soomaaliya ay ku dileen Hoggaamiyihii bariga Afrika ee Al-qaacidda Saalax Cali Nabhaan.

SomaliSwiss           Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: