Advertisements

Madaxweyne Shariif oo xilka ra’isal wasaaraha cusub u magacaabay Cabdiweli Maxamed Cali.

HOOS KA DHEGEYSO KHUDBADO

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ku dhawaaqay xilka ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo uu u magacaabay Cabdiweli Maxamed Cali oo ahaa sii hayaha xilkaasi tan iyo markii uu iscasilay ra’isal wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladda magacaabista ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo ra’iisal wasaarihii hore

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa horay u hayay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumaddii Farmaajo.

Ra’isal wasaare Cabdiweli waxaa uu kamid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee qurbaha wax kusoo bartay, kuna noolaa markiisii hore wadanka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Godoonka Baarlamanka ayaa isku afgartay in ra’isal wasaaraha cusub loo magacaabo Cabdiweli Maxamed Cali, kaasoo Maanta lagu dhawaaqay magacaabistiisa.

DHEGAYSO KHUDBADDIISA

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: