Advertisements

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir oo sheegay in weerarada Masaajida ay ka dhalaneyso caro Alle.!!!

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo wareysi siinayay Idaacada Shabelle ayaa wax uu cambaareeyay weerarada lagu qaadayo masaajida ee maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay deegaanada maamul goboleedka Puntland kaasi oo uu ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday masjidka degmada Ufeyn ee gobolka Bari

Sidoo kale Sheikh Bashiir ayaa tilmaamay in arimahaasi ay yihiin ficilo ka soo horjeeda diinta Islaamka, isagoo ku baaqay in gacanta lagu soo dhigi dambiilayaasha ku lugta leh weerarada lagu qaadayo Masaajida.

Dhanka kale  Gudoomiye Sheikh Bashiir ayaa sheegay inay adag tahay in qof muslim ah lagu weeraro isagoo ku sugan masaajid, waxaana uu ku tilmaamay arintaasi in ay tahay midqataroo ay ka dhalan karto carada Alle, isagoo ku baaqay in la iska ilaaliyo.

Si kasta ha ahaatee maalmo ka hor ayaa kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen dad ku sugnaa masjid kuyaala degmada Ufeyn ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.

SomaliSwiss    Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: