Qaramada Midoobay oo ka walaacsan kororka weerarada Burcad badeeda Soomaaliya ay ka wadaan biyaha badda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

 Shir aan caadi aheyn oo ku yeeshay magaalada New York ayaa golaha amaanka ee QM, ayaa waxay  ka soo saareen war murtiyadeed, waxaana war murtyadeedkaas lagu sheegay in goluhu uu si aad ah uga walaacsan yahay kororka howlgalada iyo dhaq dhaqaaqyada hor leh ay  kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed xilligaan ka wadaan biyaha badda India iyo gacanka cadmeed.

Gerard Araud oo ah Safiirka dowladda Faransiiska u fadhiya xarunta QM oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in burcad badeedu ay xilligaan si weyn isku abaabulayaan iskuna diyaarinayaan sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro ay gaadiid ku afduubtaan si ay lacago madax furasho ah u helaan.

Sidoo kale Safiirku wuxuu xusay in tan iyo bilawgii sanadkaan ay burcad badeedu qaaday illaa iyo 17 weerar oo qorsheysnaa kuwaasoo ay ku qabsadeen 26 gaadiid badeed iskugu jira maraakiib iyo doonyo iskugu jira oo ay la socdaan 600 oo shaqaalo ah waxaana uu intaa ku daray inay suurto gal tahay in burcad badeedu markaan adeegsan falal argagax leh iyo hub cusub.

Waxaa kaloo kulankaasi ka hadlay safiirada dawladaha Hindiya Rush,ka Jarmalka Ingiriiska oo iyana soo jeediyay in la taageero maxkamadaha dalka Soomaaliya isla markaana maxkamado gaar ah laga sameeyo m/mulada Soomaaliland iyo Puntland si burcad badeeda marka la qabto kadib loogu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: