Halkaan ka akhri
Mudanayaal  ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay gudoonka sare ee barlamanka in uu si deg deg ku furo fadhiya barlamanka si looga dodo heshiiskii Kampala.
Kadib kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu baaqeen gudoonka sar ee barlamanka in uu si deg deg u furo fadhiyadii barlamanka islamarkaana ajandaha koowaad laga dhigo ka doodista go’aanadii kasoo baxay heshiiskii Kampala oo ay wada saxiixdeen Madaxda dowladda.
Xildhibaanadaani ayaa waxaa ay sheegeen in ay isku raaceen in muushin lagu dalbanayo in si deg deg ah loo furo fadhiya barlamanka taasi oo ay tilmaameen inay ansixiyeen 156-Xildhibaan, iyadoo muushinkaasi loo gudbin doono gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya.
Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in hadii muddo 5-maalmood ah gudoonka sar ee barlamanka uu ku furi waayay arintaani ay go’aan ku gaarayaan in maalinta Isniinta ah ee soosocota ay Xildhibaan barlamanka fadhi ay ku furan doonaan afaafka hore ee Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ku baaqay in muddo 48-saacadood lagu furo fadhiyada barlamanka islamarkaana ajandaha ugu horeeyo ee looga hadli doono uu noqon doono go’aanadii kasoo baxay heshiiskii Kampala.
Dhowaan ayay aheyd markii qaar ka mid ah Xildhbaanada barlamanka ay sheegeen in gudoonka sare ee barlamanka uu ka hortaag ku sameeyay Xildhibaano doonayay inay kulan ku qaataan Xarunta Golaha shacabka oo ah halka ay ku shiraan Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.