Madaxweyne Sheikh Shariif oo maanta xarunta Madaxtooyada kula hadlay xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sh. Shariif Sheikh Axmed oo xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay in ka badan 60-xildhibaan oo kasoo jeeda beesha daarood ayaa u sheegay in xilka ra’iisul wasaare u magacaabayo sii haya xilka C/weli Maxamed Cali Gaas oo horay u ahaa wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumaddii Farmaajo.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Xuseen oo ka mid ahaa xubnihii kulankaas ka qaybgalay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub iyo heshiiskii Kampala, ayna iyaga iyo madaxweynuhu isku raaceen in ra’iisul waasare laga dhigo C/weli Gaas.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Xuseen oo hadalkiisa sii wato wuxuu yir”Madaxweynaha iyo annagu waxaan isla garanay in xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabo C/weli Gaas, wuxuuna noo sheegay in isaga iyo Shariif Xasan ay isku waafaqsan yihiin in xilkaas loo magacaabo C/weli shakigii ku saabsanaa cidda loo magacaabay ra’iisul wasaarana halkaas ayuu ku baxay,” ayuu yiri oo ka mid ahaa xubnihii kulanka ka qaybgalay.

Dhanka kale, mudanuhu wuxuu sheegay in madaxweynaha ay kala hadleen heshiiskii Kampala, ayna u sheegeen inay ku jiraan qodobbo ka horimaanaya dastuurka loona baahan yahay in laga saaro, markaas kaddibna la horgeeyo baarlamaanka isaguna uu ka aqbalay.

Xildhibaannadii la shiray madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa: Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex.

Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay madaxweynuhu uu maalmahan wadi doono la tashiyo uu kala yeelanayo magacaabidda ra’iisul wasaaraha xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed ugu jira baarlamaanka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: