Ciidamada dowladda oo magaalada Ceel Barde ku qab-qabatay Maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan

Halkaan ka akhri

War saakay na soo gaaray  ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ee ku sugan magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool ay ka hortageen qoorshe ay kooxda Al-Shabaab ku doonayeen inay ku laayaan dadka hoggaamiya  bulshada ee ku sugan gobolkaasi ayadoo ciidamaduna ay nolosha ku qabteen rag doonayey inay wax qarbudaan.

Mudane Ibraahim Cumar Dheere oo ah Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo saakay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Dowlada ay u suurto gashay inay gacanta ku dhigaan 4 qofood oo Shabaab ka tirsan oo donayay in ay qaraxyo iyo dilal qarsoodi ah ka geystaan degmada Ceelbarde, kuwaas oo laba ka mid ah ay ciidamadu toogteen markii ay isku dayeen in ay baxsadaan.

guddoomiyaha Ceelbarde oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Shabaab markii ay tabartodu yaraatay, waxay Xamar ka soo direen maleeshiyaad ay ugu talo galeen in   Ceelbarde fal ka fuliyaan, waanu u diyaar garownay, waana la soconnay dhaqdhaqaaqooda, shalay galabtii ayaan meel 12km u jirta Ceel Barde uga hortagnay, qaar wa la dilay, qaar waa carareen qaarna nolosha ayaan ku qabanay” ayuu yiri.

Hase yeeshee Ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Maxamed Aalloow Xareed iyo Calidheer Sheekh Yuusuf Cumar oo ay Shabaab u soo direen in ay dilaan dadka masuuliyiinta ah ee wax garadka deegaanka, guddoomiyaha ayaa sheegay in raggaas iyo qalabkii ay wateenba la qabtay oo ay xabsi ku jiraan.

SomaliSwiss    Ceelbarde

SomaiSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: