Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo deeq lagaceed gaarsiyey Ciidamadii ku dhaawacmay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyay dhaawacyada Ciidamada Xoogga Dalka  Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaallada Madiina iyo Banaadir,  iyo kuwa rayidka ah..

Maryan Sh. Cismaan oo ka mid aheyd Xildhibaan deegda lacegeed u qeybiyay Bukaannada jiifa Cisbitaallada Madiino iyo Banaadir, ayaa Radio Muqdisho u sheegtay in deegdaasi lacageed ay iska soo ururiyeen qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka, waxeyna ugu talagaleen ayeey tiri dhaawacyada Ciidamada XDS iyo dhaawacyada liita ee rayidka.

Sidoo kale Xildhibaan Sh. Axmed Macalin Xasan oo ka mid ahaa Mudanayaashii deeqdaasi qeybinayay  ayaa sheegay in lacagahan ay iska soo ururiyeen Mudanayaasha Baarlamanka, si ay ugu taageeraan dhaawacyada CXDS iyo rayidka ah ee Cisbitaallada la jiifa.

Dhawaan ayeey aheyd markii deeq tan la mid ah ay Xildhibaannadu u qeybiyeen Bukaannada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ee ku jira Isbitaallada Daarushifaa iyo Martiini, taas oo aheyd deeg ay Mudanayaashu iska soo ururiyeen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: