Shariif Sakiin oo u sheegay Xildhibannada Baarlamanka in danta ay kaliftay in la saxiixo heshiiskii ka dhacay magaalada Kampala.

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo shalay dib ugu soo laabtay Dalka ayaa ugu baaqay xildhibannada Baarlamanka in ay aragti mideysan ka qaataan Heshiiskii lagu gaaray magaalada Kampala ee casaimadad Uganda,  isagoo dhanka kale ugu hambalyeeyay ciidamada dowladda dilkii ay u geeysteen Fasuul C/llahi Maxamed Horjoogihii Al qaacidda ee barig Afrika.

Sidoo kale Wafdiga uu hogaaminayay Guddoomiyha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, iyo C/risaaq Cusmaan Jurille ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Barlamanka C/weli Ibraahim Sh. Muudeey, xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibanno, Sarakiil ciidan, Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed dheere” C/xasan Caawle Qeybdiid, Yuusuf Indha cadde, barbaarta gaashaamman iyo haween kale oo gacmahooda ku sitay sawiradda Afheyeenka Baarlamnka.

Shariif Xasan Sh. Aaden oo shir jaraa’id saxaafadda ugu qabtay hooygiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ugu horreyntii kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee ka dhex taagan hay’adaha Dowladda, isagoo soo dhaweeyay dilkii ay ciidamada qalabka sida u geysteen dhawaan horjoogihii Al qaacida ee barriga Afrika Fasuul Cabdalla.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo aan wax ka weydiinnay in heshiiskii ka dhacay magaalada Kampala uu hordhigayo Baarlamanka ayaa sheegay in Xildhibannada Baarlamanka Soomaaliya ay ogaadaan in danta ay kaliftay heshiiskii ka dhacay magaalada Kampala.

Ugu danbeyntii Shariif Xasan Sh. Aaden oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii dowladda ee saxiixay heshiiskii ka dhacay magaalada Kampala kaas oo ka koobnaa illa iyo 10 qodob oo ay qeyb ka tahay iscasillaadda R/wasaare Farmaajo oo ay dadweynaha Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeesteen.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: