Shacabka Soomaaliyeed oo aragtiyo ka bixiyay is casilaada Ra’isal Wasaaraha iyo culeyska caalamka uu ku saaray fulinta heshiiskii Kampala

ARAGTIYO KALA DUWAN

Halkaan ka akhri

Shacabka Soomaaliyeed oo aragtiyo ka bixiyay is casilaada Ra’isal Wasaaraha iyo culeyska caalamka uu ku saaray fulinta heshiiskii Kampala

Kaddib markii si lama filaan ah uu isku casilay Ra’iisal Wasaarihii Dowladda KMG ah Md. Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) maalinimadii shalay, ayaa bulshada Soomaalida ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, iyagoo intooda badan caddeeyay inay si weyn uga xun yihiin is casilaadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo, taasi oo ay sheegeen inaysan waxba ku soo kordhin doonin horay u socodka Dowladda KMG ah.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa iyagu siyaabo kala duwan uga hadlay is casilaadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo, culeyska beesha caalamka ay ku saartay inuu fuliyo heshiiskii Kampala, iyagoona sheegay in tallaabadaasi ay astaan u tahay maxmiyad hor leh oo dalka ay gelinayaan beesha caalamka isla markaana loogu tumanayo dastuurka dalka u degsan.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed qaarkood waxay sheegeen in heshiiskii Kampala qodobadiisa marka la eego uu la mid yahay midkii lagu maamulay wadanka Ruwanda oo dagaallo ka xun kuwa Soomaaliya ay ka dhaceen, inkasta oo labada dal aanay haatan isaga mid ahayn xasaradaha ka kala dhacay.

Jaaliyadaha Soomaalida dibadda oo iyagu maalmihii la soo dhaafay sameynayay bannaanbaxyo looga horjeedo heshiiska labada Shariif ee ka dhacay magaalada Kampala ee wadanka Uganda, isla markaana lagu taageerayo waxqabadka Dowladda Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa markii ay maqleen inuu is casilay si weyn uga xummaaday, balse guud ahaan dibadbaxayaasha Soomaaliyeed ayaa caradooda kor u kacday kaddib markii Taliyaha ciidamada Dowladda Uganda Md. Farmaajo ku amray inuu is casilo muddo 72-saac gudahood ah.

 Is casilaadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed waxay ka muujiyeen walaacii ugu weynaa, taasi oo keentay in socdaal ay dalka ku imaan lahaayeen Qurba joogta Soomaaliyeed ay dib u dhigeen markii uu Ra’iisal Wasaaraha is casilay, waxayna sheegeen in talada iyo masiirka dadka iyo dalka Soomaaliya uu gacanta u galay shisheeye, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda wadanka oo markii horeba ay la degeen dagaallo iyo kala dambeyn la’aan.

Dhinaca kale Mstaf Cabdulle Maxamuud oo ku hadlaayay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Talyaaniga ayaa isna sheegay inuu si aad ah uga xun yahay iscasilaada Ra’iisulwasaare Farmaajo, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay ka dhiidhiyaan arrintaasi, wuxuuna Cambaarayn u soo jeediyay Dowladda Uganda oo uu sheegay inay dib u soo celinayso masuq maasuqii iyo Boobkii lagu hayay  hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Aan Ooyee Albaabka ii Xira… (is casilaada farmaajo)

Aan ooyee albaabka ii xira…
(is casilaada farmaajo)

Waxaan mooday mise waxay noqtay ,waxaan mooday inaan xor nahay balse waxay noqotay 51 sano kadib inaan ahayn ,kadib markii la yiri is casil weliba dhegaha laga furaystay qayla dhaantii shacabka lagana door biday in la diido waxay doonayeen.

Maxaa loo yiraahdaa waa muhiim in la tixgeliyo dhawaaqa shacabka marka lala hadlayo hogaamiyayaasha dalalka haatan kacdoonku ka socdo sida yaman,liibiya ,suuriya,baxrayn iyo kuwa badan ,maxaaase loo dhegaysan waayay kacdoonka shacabka soomaaliyeed ee gude iyo dibadba kaga kacay hishiiskii kambala mise soomaalidu ma mudna in codkooda la dhegeysto?.

Waxaa layaab leh in la yiraahdo hayska tagto doowladii shacabku taageerey oo ha joogeen kuwii laga qeyliyey taaso cadeyn u ah in soomaaliya caalamku maanta ugu talagalay in ku noolaato saxariirtan iyo silica shacabkeedu ku dhex jiraan labaatanka sano waayo waxaa laga doorbiday in la dhegeysto kuwa baabi,inta ku hayay mudadaa welina la soo taagan dhaca iyo dilka shacabka.

Qayla dhaanta shacabka ma waxaa ka mudan in la maqlo oo la dhegaysto  hogaamiye kooxeedka qarnigan 21-aad (shariif sakiin) oo isagu la soo taagan tan iyo markii la dhisay doowladan la kala diray hada qaylada dheer ee hal hayska ka dhigtay khilaaf baa jira oo hadaba khilaafka shariif sakiin ma wax qabadka doowladuu ula jeedaa mise mahiigaa ku yiri ka hortag kuwan hoowsha wanaagsan qabtay oo iyagu qaaday talaabooyin shacabka niyadooda kor u qaaday.

Shariif sakiin ma waxaa dhibaya doowldan dharbaaxada ay ku dhifatay shabaab ee muqdisho iyo gobolda gedo iyo jubada hoose qeybo ka mida looga fara maroojiyey ,mise waxaa dhibaya maamul wanaaga ay kooxdani la shir timid ee ay kula dirireen musuqmaasuqa ,mise waxaa dhibaya kor kaca dakhligii dekeda iyo garoonka dayuuradaha ka soo xarooda oo boqolkiiba shan boqol kor u kacay tan iyo intii xukuumadani jirtay,mise waxaa dhibaya nadaafada iyo dib u soo nooleynta adeegayada bulshada sida mushaarka la siiyey ciidamada iyo shaqaalaha doowlda oo kor u qaaday kalsoonida dhacabku ku qabay doowlda.

Ma garan anigu akhristoow waxa ku kalifay shariif sakiin buuqa iyo qaska oon ahayn oo keliya in uu arko noloshiisuba ineey ku jirto dhaca ,boobka iyo dhibaataynta danta guud waayo haduu masuuliyadiisa garanayo ma abuureen qas iyo muran maanta balse waa mid u muuqda in uu adeegayo dano gaar ah iyo kuwa shisheeye waayo ma jirto sabab uu ku sheego khilaaf in uu jiro dhinaca maamulka ah abuuri kartana in uu albaabada u laabo baarlamaankii qaranka ee laga doonayay in u shir gudoomiye xildhibaanada kuna doodo in la dhiso doowlad uu wasiiradeeda wax ka magacaabo.

Bal eeg caalamku ninka eey hadalkiisa dhegeysanayaan iyo shacabka ay codkooda dhegaha ka fureysanayaan isagoo weliba ay geesaha kaga jiraan taageerana ka helaya kuwii dalka iyo dadka Soomaaliyeed xasuuqa iyo darxumada la hor taagnaa labaatanka sano kuwaasoo geesaha shariif sakiin maanta taagan bal eeg waa cabdi qaybdiid ,qanyare,indha cade muuse suudi,juriile,maxamad dheere mustafe dhuxuloow, ibi, cabdiraxmaan cabdi shakuur,xaabsade iyo kuwa kale oo dhamaantood isugu jira kuwa xasuuqay shacabka iyo kuwa dalka hantidiisa dhacay kuwa badaha iib ku raadshay kuwa sun lagu shubo soomaaliya lacag ku qaatay iyo waxyaabo ka daran ogoow waa kuwaa saaxiibada la ah odaygan duniduna maanta dhegeysanaso.

Caalamku maanta wuxuu soomaaliya ku sii daayay kuna eegtay ugaandhays mushaar ilaashanaya ,Itoobiya oo shaarkoodii siyaasada u soo gelisay ugaandha ulna ay yihiin labada shariif wuxuuna caalamku diiday muujiyeyna in shacabka soomaaliyeed la xuquuq ahayn shacabka yaman,suuriya,liibiya iyo kuwa kale ee kacdoonada wada oo uu iyaga leeyahay cadkooda ha la dhegeysto kuwana sida liibiya taageero melitari uu la garab istaagay halka shabaab iyo shariifyo uu ku eegtay soomaalida.

Ogoow maalin uun bay cadaaladu soo daahiri doontaa lana xisaabtami doonaa balse shacabka soomaaliyeed waa ineey dhabar adeeg muujiyaan oo aanay niyad jebin qaylada iyo kacdoonkuna waa inuu socdaa oo aan la quusan mana aha inaan u jabno kooxdan naloo adeegsanayo iyo saaxiibadood waa caalamke in kastoo xaalka maanta la mid yahay maalintuu lahaa cilmi boodhari markii hodantuu calmaday loo soo sheegay in la guursaday ee uu ku cataabay tixdii la magac baxday (aan ooyee albaabka ii xira),ugu danbayn taariikhdu way xusi doontaa doowladan hada la kala diray ee sheekh shariifna ka doortay la hishiinta shariif sakiinkan soomaalida lagu imtixaanay waxay shacabka u qabatay iyo qolooyinka burburiyey ee shacabyahoow tashada hadi kale 51sano kadib waa laydiin talin.

W. Qoray: Cabdullaahi Axmad Cali (Faat).

Source: Somaliweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: