Madaxwayne Y. Musavani iyo wakiilka Midowga Afrika oo isla gartay in loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah la geeyo Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Midowga Afrika ayaa ku tilmaantay dadaalka dowladda Uganda ay u gashay xalinta kala aragti duwanaantii Madaxda sare ee dalka Soomaaliya u dhaxeeyay iyo kaalintii ay ka qaadatay heshiiskii magaalada Kampala ku dhex maray Madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee Kulan saacado qaatay oo ay magaalada Kampala ku yeesheen  Jarry Rowlings oo ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxwaynaha dalka Uganda Yuweeri Musavani ayaa waxay  ugu wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo kaalinta ciidamada Uganda ay ugu jiraan howl-galka nabad illaalinta Midoowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ay isla garteen in loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah la geeyo Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane Jarry Rowlings ayaa amaan u soo jeediyay Madaxwayanaha Uganda sida uu ugu qayb qaatay dhameynta khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Soomaalida iyo dadaalka caalamiga ah ee Soomaaliya  nabadda loogu raadinayo.

Dhanka  kale Kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socota Midowga Afrika, waxaana lagu dhiirri geliyay in ciidamada Uganda ay sii wadaan kaalintooda Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

SomaliSwiss  Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: