Labada Shariif oo markale isku khilaafay cidii loo magacaabi lahaa xilka Ra’isal wasaaranimada.

MADAXTOOYADA – XOG HOOSE

Halkaan ka akhri

Xog hoose oo aanu ka helay ilo muhiim ah oo ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamanka kulan yeesheen uu ka dhashay khilaaf xoogan, kadib markii xaruntaasi uu Shariif Sakiin ku arkay Ra’isal wasaarihii hore Farmaajo oo madaxweyne Shariif latalinaya.

Xogtan ayaa tilmaameysa in xiisadan ay soo if baxday kadib markii wada tashi ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha dowlada KMG Shariif Sheikh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sakiin iyo Ra’isal wasarihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyadoo lagu waday in Maanta lagu dhawaaqo Ra’iasal wasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa xilkaasi u diyaariyay inuu qabto Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu soo gudbiyey in uu xilkaasi qabto Cabdirisaaq  Cusmaan Jurile.

Shariif Sakiin ayaa sidoo kale waxaa uu gudbiyay liis ay ku qoran yihiin xubnaha wasiirada ah ee uga mid noqonaaya Golaha Wasiirada, kuwaas oo lagu kala sheegay:

1 – C/raxmaan C/Shakuur,
2 – Cali Axmed Jangali
3 – C/raxmaan Ibbi
4 – Cumar Islow.

Kulankan ayaan jirin wax war ah oo saxaafada laga siiyey hase yeeshee warar hoose oo la isku haleyn karo ayaa sheegaya in Shariif Sakiin uu sidoo kale ka tala bixinayo Ra’isal wasaaraha cusub, isagoo doonaya in nin uu raali ka yahay loo dhiibo xilka wasiirka koowaad, isla markaana xubnaha uu wato loogu daro wasiirada.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu ka biyo diiday dalabka Shariif Sakiin ee ah C/risaaq Juriile laga dhigo Ra’isal wasaaraha cusub.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa qaba in C/weli Maxamed Cali Gaas oo hadda sii haye ah laga dhigo ra’isal wasaaraha rasmiga ah ee dalka, maadaama uu yahay nin ka soo jeeda Puntland, booska Ra’isal wasaare uu isaga xaq u leeyahay hadii laraacayo sharciga 4.5-ka, isla markaana yahay aqoon yahay wax badan kasoo shaqeeyey arimaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa la sheegay in madaxweyne Shariif uu kula taliyay hadii qof loo lamagacaabayo xilkaasi in uu ku haboon yahay dhinac walba C/weli Maxamed Cali Gaas.

Shariif Sakiin iyo kooxdiisa ayaa la sheegay in ay isaga bexeen kulankaasi looga wada hadlayay xilka cusub cidii loo magacaabi lahaa, maadaama uu soo xulay Mr. Farmaajo, waxeyna dacwad u gudbiyeen Saraakiisha Ciidamada Uganda kuwaasoo u sheegay in meel looga dhacay heshiiskii Kampala, isla markaana loo baahan yahay in ay soo fara geliyaan si loo badbaadiyo Heshiiskaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: