C/raxmaan Faroole oo sheegay in Beesha Caalamka la isku ogaa in doorasho la qabto, balse aan la isku ogayn in Ra’isal wasaare la casilo.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in shirkii ka dhacay, kanpala uu soo dhawaynayo, wuxuuna soo hadal qaaday is Casilaada uu Sameeyay shalay, Raisal-Wasaare farmaajo.

Sidoo kale Mudane Faroole ayaa  ka hadlay safaro uu ku soo kala bixiyay, wadamo ka tirsan Caalamka, hase yeeshee asagoo ka hadlayey xaaladda Soomaaliya wuxuu shegay in beesha caalamka iyo Soomaalida ay isku ogaayeem in Dowlada KMG ay gasho Doorasho, sidoo kale wuxuu sheegay in uu maqlay in uu is Casilaayo, Raisal Wasaare farmaajo, taasi anigu lama  socon ayuu yiri.

C/raxmaan faroole oo halkiisa sii wato wuxuu yiri: “ aniga waxaan ogaa in Dowlada KMG gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya uu u soo is taago in uu doorasho galo, shirkii ka dhacay Ugandha waan maqlay waana soo dhawaynaynaa wixii ka soo baxay ka Puntland ahaan, waxaan leenahay ama aan jecel nahay inuu dhamaado Qilaafka Madaxda Dowlada KMG ee Soomaaliya”.

Sidoo kale hadalkii Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqda mid uu ku dhaliilayo, Raisal Wasaare farmaajo oo shalay is Casilay

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa wuxuu soo hadal qaaday Xaalad amaan ee Gobolada Puntland oo dilal qorshaysan ka dhacayeen bilihii la soo dhaafay, waxa uuna ku Nuux nuuxsaday in amaanka Puntland wax laga qaban doono.

Ugu danbeyntii Mudane faroole oo ka hadlayey bannaanbaxyadii ka dhacayey magaalada Muqdisho iyo meelo kale ayaa wuxuu yiri: “ Bananbaxyada ka socday Muqdisho maahan mid is-badal lagu doonayo, waxaa weeye mid umada Soomaaliyeed ay ka dhex samaynayaan dad dano gar ah leh, waxaana lagu shegayey in uu yahay mid is-badal lagu doonayo, taas waa been ayaan leenahay”.

SomaliSwiss  Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: