Ra’isal Wasaare Farmaajo oo ku dhowaaqay is-casilaadiisa, kadib cadaadis badan oo…

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu cadaadis kala kulmay Madaxweyne Shariif iyo Beesha caalamka sidaasina uu isaga degay xilka Ra’isal wasaaranimio ee xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa intii uusan is-casilin waxaa uu kulammo saacado ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiisha Uganda iyo AMISOM oo ay kamid ahaayeen taliyaha guud ee ciidamada Uganda Jen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha cusub ee AMISOM Major Fredrich Mugisha.

Daqiiqado kadib markii uu is casilay Ra’isal wasaaraha xukuumada KMG Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu la hadlay saxaafada, waxaana uu sheegay in la tashiyo uu la sameeyay  madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda uu go’aansaday in uu iska casilay xilka ra’isal wasaaranimo.

Ra’isal wasaare Farmaajo waxaa uu shaaca ka qaaday in uu jiray cadaadis badan oo uga imaanayay beesha caalamka oo ay ugu horeeyeen dowladaha Africa, waxaana uu carabka ku dhuftay in sababta uu isku casilay ay tahay cadaadis uga yimid beesha caalamka.

Madaxeyne Shariif ayaa sheegay in uu ka aqbalay iscaislaadda ra’iisul wasaaarihi hore Farmaajo, isagoo si KMG ah xilkaasi ugu magacaabay C/weli Maxamed Cali oo ahaa ra’isal wasaare ku xigeenkii ahna wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga, kaas oo si kooban ula hadlay saxaafadda, isla markaana sheegay inuu aqbalay inuu xilka si ku meel gaar ah usii hayo.

Is-casilaada Ra’isal wasaaraha ayaa soo jiitameysay tan iyo shirkii kadhacay magaalada Kampala oo isagu go’aankan iscasilaada ah lagu soo gaaray.

Si kasta ha ahaatee lama oga waxa ay ka dhihi doonaan Shacabka Soomaaliyeed ee baryahan mudaaharaadyo isdaba joog ah kasameynayay arrinkan kusoo korortay siyaasada dalka Soomaaliya, isla markaana diidanaa iscasilaada Ra’isal wasaaraha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

FADLAN KADHIIBO FIKIRKAAGA WAXA AY KULA TAHAY ISCASILAADA RAISAL WASAARAHA

%d bloggers like this: