Advertisements

Ra’isal wasaare Farmaajo oo gaashaanka u daruuray codsi is-casilaad ah oo kaga yimid dowlada Uganda.

Halkaan ka akhri

Ilo wareedyo aan ka helnay dad ku dhow-dhow xafiiska Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa  sheegaya inuu la kulmay saraakiil uu horkacayay taliyaha ciidamada dalka Uganda, oo la sheegay in ay soo gaarsiyeen Ra’iisul wasaaruhu fariin ay ka sideen dowladda Uganda, hase ahaatee ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa la sheegay inuu  gaashaanka ku dhuftay codsiga ay uga dalbadeen inuu xilka iska casilo.

Sidoo kale Ra’isal wasaaraha ayaa la sheegay inuu maalmihii la soo dhaafay xafiiskiisa kula shirayay shan sarkaal oo ka socda dalka Uganda, kuwaas oo fariin gaar ah ka waday Madaxweyne  Museveni, taas oo lagaga codsanayay inuu xilka isaga tanaasulo muddo saddex maalmood ah.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa waxay ka soo xigteen Ra’isal wasaaraha inuu saraakiisha ka socday dalka Uganda ugu jawaabay  oo yiri: “Waxaad tihiin nabad-ilaaliyeyaal waana inaad howshiina ku ekaataan,  xal u helidda siyaasadda Soomaaliya waa mid u taalla Soomaalida.”

Gen. Aronda Nyakairima oo Taliyaha ciidamada Uganda oo hoggaaminayey wafdiga ka socda dalka Uganda ayaa la sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ka codsaday inuu u raaco dalka Uganda si uu ula soo kulmo madaxweynaha dalkaas, balse mar kale ayuu Farmaajo codsigaas diidma qayaxan ugu jawaabay Saraakiishaas.

Heshiis todobaadyo ka hor ay ku gaareen dalka Uganda madaxweyaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhigayay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xilka isaga casilo muddo bil gudaheed ah, kaddib markii uu guddoomiyuhu sheegay inaysan 12-ka bilood ee soo socda wadashaqeyn karin xukuumadda iyo baarlamaanka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir jaraa’id oo uu tododbaadkii hore ku qabtay Muqdisho ku sheegay inuusan xilka iska-casilayn ayna isaga iyo golihiisa wasiirradu go’aansadeen inay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyaan inta xildhibaannada baarlamaanku ay go’aan ka gaarayaan heshiiskii Kampala.

Dhanka kale Kulammadaas natiijo la’aanta ku dhamaaday, kaddib ayuu Ra’iisul wasaare Farmaajo wuxuu kulammo albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif, kaasoo salka ku hayay wadahadalladii dhexmaray Ra’iisul wasaare Farmaajo iyo saraakiishii ka socday dalka Uganda.

Hase yeeshee ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay kulan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu  ku yeesheen  xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Si kasta ha ahaate Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 5,000 askari kuwaas oo qayb ka ah howlgalka AMISOM, waxaana Madaxweynaha Uganda uu horay ugu goodiyay inuu ciidamadiisa la bixi doono haddii aan DKMG ah ee Soomaaliya muddo hal sano ah loo kordhin xilliga ay shaqeynayso.

SomaliSwiss    Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: