Mahiga oo wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti kala hadlay xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wakiil gaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimha Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa ka wada hadlay xaaladda adag ee arrimaha  Soomaaliya iyo heshiiskii dhawaan madaxda dowladda KMG ah ay ku gaareen magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Qaar ka mid Warbaahinta jabuuti  ayaa sheegay  in kulan labada masuul ku dhex maray magaalada jabuuti ay diradda ku saareen dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo horumarka laga gaaray dhinaca ammaanka  ee Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, waxayna isla garteen in taageero la siiyo dowladda Federaalka KMG ah si loo gaaro hadafka guud ee ah nabadeynta waddanka.

Sidoo kale Labada masuul ayaa isla soo qaaday dibadbaxyada ay shacabku dhigayaan iyo dareenka ka dhashay shirkii Kampala, waxayna si guud u muujiyeen in loo baahan yahay in Soomaalidu ay muujiyaan wada shaqeyn iyo wax qabad muuqda, caalamkana looga baahan yahay in ay taageeraan.

Ugu danbeyntii Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay in dowladdiisu ay waligeedba garab taagneyd shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, haddana ay sii wadi doonto si ay dhibaatada uga baxaan umadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss    Jabuuti

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: