Kacdoonka Qurba-joogta Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalooyinka London/Britain iyo Oslo/Norway.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magaalooyinka london ee dalka Britain iyo Oslo/Norway ka dhacay kacdoon dadweyne oo aad u balaaran kaas oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka london iyo Norway nawaaxigooda,iyo bulsho weyn kale oo ayaguna ka kala yimid gobolo ka fogfog magaala Madaxyada dalalkaas.

Kacdoonkii Shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada London

Maalintii shalay waxay ahayd jimce waana maalin shaqo waxaana intaas dheeraa inay ahayd maalin si caadi ah ay aradadu  intii badnayd dugsiyadi u jarmaadey,hooyooyinka iyo waaladiintuna ay u ekeeyaan kuwo mashquula,isla markaana ay jirtey salaadii jimcaha magaalada londona ay tahay magaalo aad u sixmad badan,kala fog isu socodkeeduna uu yahay mid aan fududeyn.

Sidoo kale  waxaa madashii loogu talagalay inuu ka dhaco kulanka mudaharaadka iyo kacdoonka shacabku oo ahayd halka loo yaqaano(wadnaha london) lagana maamulo dalkan boqortooyada ingariiska oo ah kasoo Horjeedka 10-Downs Street oo uu dagan yahay Raysalwasaaraha dalkan ingariiska,waxaa durba soo buux dhaafiyey dadweyne aad u tira badan oo dareenkoodu ahaa mid aad u kacsan ama jidbeysanba oo kumanaan ah.

Sida lagu soo warramay waxaa kacdoonkii shacabka soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada london sii xoogeystey xiligii laga soo baxay salaadii jimcaha,goobtuna waxay noqotey madal ay hareeyaan dadweyne aad u farabadan ilaa ugu danbeyntii la waayo meel jaan iyo cirib la dhigo,dadku intiisa badan waxay siteen oo calaamad u ahaa calanka qaranka soomaaliyeed ee balugaa,dumarkuna waxayba si gaara ugu labis naayeen calanka qaranka soomaaliyeed tii aan sidana waxay wadatey dhar leh midabka calanka Som.

Dhanka kale Halkudhega dadku ku hadaaqayeen waxaa kamid ah: “Soomaaliya soomaalibaa leh“, “soomaaliya lagama xukumo Ugandha,kenya,Ethiopia,iyo dalalka danaha gaarkaa ka leh oo dhan“, “Danayste Dooni mayno,Dooller qaate dooni mayno“, Baarlamaan dhuuni doon ah, dooni mayno“, “Mahiiiga waa danbiilee-dalkeena yaanu dib u imaan“, mahiiga down mahiiga down“ iyo wixii la mid ah

Hase yeeshee waxay dadku dhaleecayn xoogan dusha uga tuureen heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada kampala ee dalka Uganda,kaas oo ay ku tilmaameen qaran dumis aanu qofkii damiir wadaninimo lahi marnaba aanu u adkeysan karin,

Ugu danbeyntii dadka banbaxay waxay codkooda kalsooni buuxda ku siiyeen inay hawshooda sii wataan xakuumada iyo golaha wasiirada ee hada jira oo uu hormuudka ka yahay R/W Mudane Maxamed c/llaahi m Farmaajo,waxayna ugu baaqeen kuwii soo maleegay shirqoolkii qiyaanada qaran ee hashiiskii kambala uganda,inay go,aankey soo gaareen dib uga noqdaan si loo badbaadiyo dadka iyo dalka Som,

Sidoo kale waxay Mudaaharayaasha dardaaran cod iyo muuqaal ah u mariyeen warbaahinta una direen Golaha baarlamaanka soomaaliyeed oo ay kula dardaarmeen inay cududooda,caqligooda,fikirkooda,iyo maskaxdoodada mideeyaan,kana badbaadiyaan dalka iyo dadka aafo hor leh oo lasoo darista, Abuuraana Isfahan ay dhex dhigaan masuuliyiinta sarsare ee dalka kuna qasbaan inay hawsheeda sii wadato xakuumadan hada jirta iyo golaha wasiiradu inay sii wataan shaqadooda waqti iyo fursadna la siiyo,

Mudaaharayaashu waxay dardaarankan mid lamid ah iyo dacwo ka dhan ah heshiiskii Kampala uganda oo ah mid gaar u ah xakuumadan dalkan ingariiska xaafiiska R/W david camorun oo qoraal ah ayaa la gudoonsiiyey xubin sare oo ka tirsan xafiiska raysalwasaaraha taasoo ku qoreyd luuqada ingariiska kana turjumaysey dareenka shacabka soomaaliyeed meel kastuu dunida ka joogaba,waxuuna balanqaadey in dawlada ingariisku ay tixgelindoonto codka shacabka soomaaliyeed,gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee reer britain ee ku dhaqan dalkan ingariiska.

Si kasta ha ahaatee dacwadaas oo Cambaareyn iyo dhaleecayna dusha uga tuureysey ma danqadayaashii danaystayaalka ahaa oo uu ugu horeeyo mahiiga ee heshiiska kusoo galay magaalada Kampala ee dalka Uganda,waxaana xaafiiska raysal wasaraha ingariiska shaaca looga qaadey inaanu heshiiskaasi ka turjumin danaha shacabka iyo qaranka soomaaliyeed midna.

Dooni mayno caade qaate,,Dooni mayno danayste, Dooni mayno heshiiska campala,Dooni mayno mahiiga,iwm iyagoo weli dadweynihii mudaharaadayaasha ahaa ayagoo ku hadaaqaya ayuu si nabadgelyo ah waxuu kusoo gabagaboobey mudaharaadkii kacdoonka shacabki soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada london ee dalkan Ingariiska…

Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed  ee ka dhacay Oslo Norway

Sidoo kale Mudaaharaad ka mid ah Mudaaharaadyada Kacdoonka dadweynaha ee lagu diidan yahay, Shirkii ka dhacay Magaalada Kambala ee dalka UGANDHA ayaa waxaa uu si nabad ah uga dhacay Magaalada Oslo ee Dalka Norway.

Banaanabaxayaasha ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo sitay Boorarka  Madaxweyne Shariif  iyo Ra’sul-wasaare Farmaajo taasoo muujineeysa in uu ahaa Mudaaharaad lagu wada taageeraayey labadaba.

Mudaaharadaayasha ayaa u muuqday kuwo diidanaa keliya Shirkii Ugadnaha ee aan kala saarin Madaxweyna iyo Ra’isul-wasaaraha jiritankooda

 SomaliSwiss      london/Norway

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: