Halkaan ka akhri
Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dalka Kenya Mudane Faarax Macalin ayaa sheegay Dowlada Kenya ay taageerayso dibadbaxyada looga soo horjeeda heshiiskii ka dhacay magaalada Kampala, wuxuuna sheegay in shacbka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay sii wadaan dibad baxyada.
Mudane Faarax Macalin oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaa dhaanta in shacabka Soomaaliyeed iyagoo xaqooda u dagaalamaya inay dhintaan, intii shacabku dulinimo ku jiri lahaayeen,” wuxuuna sheegay in shacabka soomaaliyeed ay yihiin kuwoo aanan ogolayn in dal kale dalkooda looga taliyo.
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la xisaabtamaan dowladda, islamarkaana ogaadaan meesha ay ku baxayso hantida.
Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka dalka Kenya oo ka hadlayey boobka lagu hayo hantida Soomaalida wuxuu yiri: “Dowladaaan waxaan maqlay inay hor istaagtay boobkii lagu hayay hantidii Dekadda, islamarkaana joojisay Mushaar la’aantii shaqaalaha oo ay u heshay Mushaaraad, sidoo kale Ciidamadii ay mushaar siisay, waxaa la doonayaa hada in dib loo soo celiyo boobkii lagu hayay Hantidii Ummadda, shacabku taasi waa in ay ka hortagaan” wuxuu kaloo uu sheegay Mudane Faarax Macalin in dowladaan cusub ay yihiin dad wadiniyiin ah oo aan rabin inay boobaan Hantida Umadda.
Dhanka kale Mudane Faarax Macalin wuxuu sheegay in dibad baxyada ka socda Soomaaliya ay ka imaan karaan is badel deg deg ah, waa haddii shacabka ay sii laba jibaaraan banaanbaxyadaasi ay wadaan.
Mudane Faarax Macalin wuxuu si caddaan ah uga hadlay dhibaatada ka jirta Soomaaliya wuxuuna yiri: “Caqabada Soomaaliya haysato waa dalalka deriska ah, Soomaaliya loogama talin karo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Kenya, waxayna rabaan dalalkaasi in Soomaaliya sida ay rabaan ka yeeshaan, waxaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan arintaasi” .
SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.