Dadkii Ajaaniibta ahaa ee la socday Diyaaradihii lagu waday Lacagihii Sharci darrada ahaa oo ay xukuntay Maxkamadda goboka Banaadir.

Halkaan ka akhri

War maanta naga soo gaaray magaalada Muqdish ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobalka Banaadir ay xukun ku riday labadii nin ee ukala dhalatay Wadamada Mareykanka iyo Uk, kuwaas oo oo lagu eedeeyey in si sharci darro ah dalka Soomaaliya uga soo dajiyay laba diyaaradood oo siday lacag dhan 3.6 Milya oo doller.(Seddex milyan iyo lix boqol kun Dollaar kaliy)  sidoo kale waxaa lala wareegay labadii diyaradood oo ay wateen, waxaana midkiiba lagu xukumay min  15 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $15.000 (shan iyo tobam kun Dolllar ) Sida uu Radio Muqdisho u sheegay Guddoomiyaha maxkamadda Gobalka banaadir  Xaashi Cilmi Nuur.

Sidoo kale Waxaa lagala wareegay dhammaan lacagihii ay dalka soo galiyeen , iyadoo dhanka kale maxkamadda lasoo saaray Afar Ruux oo isugu jira Labo beylood iyo Labo caawiye kuwaasoo iyana kaalin ka qaatay inay lacagahaasi soo geliyaan dalka Soomaaliya , Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Afartaasi ruux lagu xukumay midkiiba min 10 Sano ah oo Xarig ah iyo sidoo klae Ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo Dollerka Mareykanka ah.

Wuxuu kaloo Guddomiyaha uu sheegay in qareeno difafacaya edeysanayaashaas ay joogeen dhammaan fadhiyadii Maxkamaddu qaadatay.

Si kasta ha ahaatee  24kii  Maggio ayeey aheyd markii ay Ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee aaaden cadde gacanta ku dhigeen Labo diyaaradood iyo lixdan nin ee la xakumay kuwaasoo si sharci darro ah dalka kusoo galiyay Lacag dhan 3.6 Milyaan oo doller, waxaana durbadiiba la dhigay Xabsiga iyadoo dhammaan  lacagihii ay qabteen ciidamada lagu shubay bankiga dhexe ee Soooaaliya islamarkaana ay masuuliyiinta dowladad ballaan qaadeen in la marsiin doono sharciga.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: