John Rawligns oo dowladda Sudan ugu baaqay in ay dhex-dhexaadiso madaxda Soomaaliya, si xal deg deg ah loo gaaro.

Halkaan ka akhri

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya John Rawligns oo uga  ahaan jiray  dalka Gaana Madaxweyne ayaa ugu baaqay dowladda Suudaan inay gacan ka geysto sidii xal looga gaari lahaa colaadda Soomaaliya, ayna gacan ka geysato xal u helidda khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah.

Rawlings oo khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir wuxuu yiri: “Suudaan waa inay gacan ka geysto sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah ee salka ku haya hoggaanka dalka”.

Rawlings, wuxuu sheegay in haddii loo midoobo wax ka qabashada dalka Soomaaliya ay taasi guuleysan karto. Wuxuuna ugu baaqay Suudaan inay xoogga saarto sidii ay u dhexdhexaadin lahayd dhinacyada hubeysan ee Soomaalida.

Wakiilka ururka  Midawga Africa wuxuu  hadalkiisa raaciyay “Dhammaan dalalka IGAD iyo kuwa ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya waa inay mas’uuliyad iska saaraan sidii lagu xallin lahaa dhibaatada ka jirta dalka ku yaalla geeska Afrika,” ayuu.

Madaxweynaha Suudaan ayaa dhankiisa sheegay inay 20-kii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay dagaallada ay dadaal ugu jireen sidii ay ku xallin lahaayeen dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Madaxweyne Al-Bashiir oo hadalkiis sii wato wuxuu yiri:  “Soomaaliya waxay doonaysaa dowlad xoog leh, si ay u soo celiso nabadda iyo kala dambeynta dalka” wuxuuna sheegay inuu gacan ku siinayo ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya dadaalkiisa ku aaddan xal u helidda Soomaaliya.

Dalka Suudaan waxaa ku sugan in ka badan 600 arday Soomaaliyeed ah, kuwaasoo wax ka barta jaamacadaha dalkaa ku yaalla dalkaas, iyadoo 3,000 oo ka mid ah ay bartaan cilmiyo kala duwan.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Rawlings ayaa arrimaha dalka Soomaaliya kala hadlay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, R/wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Hase yeehsee Khilaafka u dhaxeeya madaxda dawlad ayaa cirka isku sii shareeraya tan iyo wixii ka dambeeyay markii Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay hishiis 10 qodob ka kooban ku kala saxiixdeen magaaladda Kampala.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

%d bloggers like this: