Madaxweyne Shariif oo wasiiro kamid ah xukuumadda Farmaajo kula taliyay in ay iska casilaan xilalkooda. (XOG-HOOSE)

Halkaan ka akhri

Warar xog hoose ah oo laga helayo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Heshiiskii Kampala iyo Banaanbaxyadii ka dambeeyay ay si weyn u kala geeyeen siyaasadii Ra’isal wasaare Farmaajo iyo Madaxweyne Shariif, kuwaas oo hada gaaray heerkii ugu sareeyay.

Wararka aanu helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu qorsheynayo in Farmaajo gogosha gollaha wasiirada uu ku Cidleeyo si uu markaasi u baneeyo  xafiiska xukuumadda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa si hoose ula kulmay shan wasiir oo kamid ah gollaha wasiirada oo iyagu taabacsan isaga, kana dhaadhiciyay in ay ku dhawaaqaan is-casilaadooda maalmaha soo socda, wasiiradaasi Qorsheynaya in ay ku dhawaaqaan is-casilaadooda ayaa waxaa kamid ah.

1- C/kariin Xasan Jaamac (Wasiirka warfaafinta)

2- Maxamed C/llaahi Oomaar (Wasiirka arimaha dibada)

3- C/nuur Macalin (Wasiirka waxbarashada

4- C/rashiid Khaliif Xaashi (Wasiirka hawlaha guud)

5- Maxamud Cabdi Ibrahim Garweyne (Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha)

Wararkan ayaa waxaa sii xoogeeyay kadib markii la waayay hal wasiir oo ka tirsan Gollaha Farmaajo oo ka hadla waxa dhacaya tan iyo markii laga soo laabtay shirkii Kampala, marka laga reebo Wasiirka warfaafinta oo asaga ahaa Masuulkii ugu horeeyay ee gollaha wasiirada ka tirsan ee shaaciya in uu R’isal Farmaajo Aqbalay in uu Xilka iska Casilo.

Iyadoo dhinaca kale Wasiirkan Warfaafinta uusan ka hadlin kulankii la sheegay in ay gollaha Wasiirada isku raaceen in aanay is Casileyn ka hor inta ay  Baarlamanka ka hortagayaan,  in kastoo uu Farmaajo muujiyay diidmo dhinac kasta leh uuna kasbaday kalsoonida inta Badan Shacabka Soomaalieed.

Ra’isal wasaare Farmaajo ayaa khudbado badan uu Shacabka kula hadlayay waxaa uu uga warbixiyay sababaha loo doonayo in uu isku casilo, balse uu sheegay in uusan isku casili doonin laba Shariif madaxooda ee uu xurmeynayo taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo hor usocodka hannaanka Nabadda dalka.

Si kasta ha ahaatee illaa iyo hadda lama xaqiijin karo waxa ay sameyn doonaan wasiiradan lagu dardaarmiyay in ay xilka iska casilaan, waxaana ay Shacabka Soomaaliyeed dhegaha u taagayaan waxa xiga khilaafyadan siyaasadeed ee markoodi hore ku bilowday labada Shariif, balse isu bedelay in Ra’isal wasaaraha laga tuuro kursiga xukuumadda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: