HOOS KA DHEGAYSO WARAYSI
Isagoo wareysi siinayay Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu sheegay Mahiga in Ra’iisul Wasaaraha ay jirtay qeyb loo baneeyay qoraalka heshiiska inuu saxiixo, hase ahaatee aanu saxiixin, waxaana uu cadeeyay inuu ogolaaday.
“Waxaa jirtay qeyb loo baneeyay warqada heshiiska, ma aanu saxiixin, wuxuu noo sheegay inuu ogolaaday heshiiska oo uu yahay nin Qowl leh, runtii waxaan sugayay faah faahin rasmi ah, balse warkan Idaacadaha ayaan ka maqlay”ayuu yiri Amp. Mahiga.
Amp. Mahiga ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu balaqaaday inuu u hogaansamayo heshiiska, hase ahaatee ay aheyd in muddo labo todobaad gudahood uu iski casilo, isagoo xusay in aanu aheyn in heshiiskaas la mariyo nidaam kale oo ugala jeeday in la horgeeyo Baarlamaanka.
“Saakay ayaan wacay waxaan is dhaafsanay salaan, waxaa ka wareystay Xaalada Muqdisho sida ay aheyd”ayuu si kooban u yiri Amp. Mahiga.
Waxaa uu sheegay in arrinta ugu horeysay ee rajaynayay ay ahayd Ra’iisul Wasaaraha uu arrinta sida uu wax u arko qarxiyo oo ku hormaro, laakiin muusa samayn, isagoo intaa raaciyay in diidmada Ra’iisul wasaaraha ay isaga Mahiga ahaan u muujineyso in jahwareer siyaasadeed uu imaanayo, waxaana uu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha uu ula muuqday inuu aqbalsanaa dhamaan heshiiskii Kampala, markii hore ee uu ballanta qaaday, sida uu sheegay.
Magacee ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.
SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com
Other related Media
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MUQDISHO
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII KENYA
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MAREYKANKA
HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYTII RA’ISAL WASAARE FARMAAJO
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: News Desk |
You must be logged in to post a comment.