Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo sida la sheegay booqasho qarsoodi ku yimid magaalada Muqdisho Sabtidiii tagtay ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha hogaamisa ciidamada dawladda Uganda ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ee Muqdisho ka hawlgala, sidaas waxaa lagu qoray Wargeyska The Observer ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska.
Wargeyska The Observer oo saakay cadadkiisa maanta lagu soo qoray warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in M/weyne Musaveni oo ku dhiira galiyay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda inay sii wadaan hawl galada ka dhan Xarakadda Al-Shabaab xataa haddii uu isbadal ku yimaado hogaanka dawlada KMG ee Soomaaliya.
Sida la sheegay in M/weyne Yuweri Musaveni uu diyaarad ah uga soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadibna uu u gudbay xarunta Xalane oo ah saldhiga AMISOM ay Soomaaliya ku leeyihiin waxaana uu halkaasi ku booqday dhaawacyada ciidamada AMISOM ee ku jira isbitaalada.
Sidoo kale  Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Musaveni uu la kulmay M/weynaha dawlada KMG ee Soomaaliya Sh, Shariif Sh, Axmed oo sida la sheegay uu kala hadlay arrimo amaanka Muqdisho la xariira sidoo kalena waxaa uu kulamo dhawr saacadood qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada Uganda iyo Burundi oo uu ujeediyay inaysan joojin hawlgalada ay amaanka ku sugayaan.
Hase yeeshee Afhayeenka ciidamada Uganda Col Felix Kulayigye,  ayaa u sheegay wargeyska The Observer inaysay ka war qabin booqashada M/weynaha hase ahaatee kulamadii uu saraakiisha la qaatay ay guul ugu dhamaatay.
Dhanka kale Madaxweynaha Uganda yuweri Musaveni ayaa booqashadii qarsoodiga aheyd ee uu Muqdisho ku yimid uu u duulay dalka Koofur Africa oo uu kaga qeyb galay kulan gaar ahaa oo arrimaha Soomaaliya ku saabsan.
Ma ahan markii ugu horreysa uu Madaxweyne Musaveni uu sheego in Ciidamada AMISOM ay sii wadayaan hawlgalada ay dawlada KMG ee Soomaaliya ku caawinayaan.
SomaliSwiss        London
Magacee ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.
Other related Media
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MUQDISHO
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII KENYA
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MAREYKANKA
HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYTII RA’ISAL WASAARE FARMAAJO
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.