HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Kulan weyn oo lagu taageerayo Kacdoonka Shacabka iyo in xukuumadda Ra’iisal wasaare Farmaajo sii shaqayso ayaa ka dhacay magaalada Oslo ee Norway, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dad isugu jiray Dhaqaatiir, saraakiil, siyaasiyiin ganacsato iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah, waxaana ugu horeyn tacsi tiiraanyo leh u dirayeen umadda Soomaaliyeed, asaxaabtii iyi eheladdii uu ka geeriyooday Allaha u anxariistee, Wasiirkii arimmada Gudaha Soomaaliya C/shukuur Sheekh Xasan Faarax oo dhowaan lagu diley magaalada Muqdisho.
Isu soo baxaas Waxaa ka hadley rag iyo dumar badan oo ka socdey buslashda qeybaheeda kala duwan, halka markii dambe codsi ay horey u weydiisteen in ay la hadli karaan Ra’iisal wasaara Farmaajo laga aqbalay nasiib wanaag, waxaana sidoo kale xaga isgaarsiinta kala hadley Ra’iisal wasaare Farmaajo oo muqdisho ku sugnaa , waxaana hadaladiisa ka mid ahaay:-
“markii aan tegay magaalada Kampala, waxan arkay xaalad xun oo is qab qabsi ah, maskaxdeeda waxay ii sheegtey in aan is casilo anigoo fiirinaayo dhibaatada haysatey Umadda Soomaaliyeed 20 kii sanno ee u dambeesey, markii aan muqdisho imid ayaan waxaan qaatey oo qalbigeyga isiiyey in aan is casilin kadib markii bulshada Soomaaliyeed iga codsadeen arintaas” waxaa yiri Ra’iisal wasaaaraha Dalka Soomaaliya oo qadka Isgaarsiinta kula hadlayey dadkii isugu yimid kulanka lagu taageerayey RW Farmaajo, loogana soo horjeesdey Heshiinkii lagu lugoynayey Ummadda Soomaaliyeed ee Kampala.
Dadka isugu yimid kulanka ayay ka muuqatey shucuur isugu jirto caro iyo tiiiraanyo oo ay u sameynayeen marxuum C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ahaana Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Soomaaliya oo lagu diley gurigiisa magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale ka muuqdey saraakiil iyo dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ku muujiyey fikirkooda ay ku taageersan yihiin RW Farmaajo.
Dadkii kasoo qeyb galay ayaa waxay usoo jeediyeen RW Farmaajo in uusan is casilin , halka uu RW Farmaajo sheegey in uu sharciga ilaalinayo uuna ka war sugayo Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo arintan go’aan ka gaari doono, taasoo ay noqon karto in Barlamaanka uu ku raaco fikirka heshiiska Kampala ama uu kasoo horjeesto oo uu ku raaco fikirka dadka Soomaaliyeed .
RIIX SAWIRADA HOOS KA MUUQDA SI AAD U ARAGTO IYAGOO WAAWAYN
Magacee ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.
SomaliSwiss Oslo, Norway
SomaliSwiss@hotmail.com
Other related Media
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MUQDISHO
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII KENYA
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MAREYKANKA
HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYTII RA’ISAL WASAARE FARMAAJO
SomaliSwiss@hotmail.com
You must be logged in to post a comment.