Dowladda Talyaaniga oo ka digtay in dhegaha laga fureysto Banaan baxyada shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay inay aad ula socoto xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, banaan baxayaasha iyo dalabkooda iyo dhammaan aragiyada kala duwan ee aykala qabaan kooxaha hormuudka ka ah siyaasadda dalka Soomaaliya, iyadoo dowladda talyaanigu xustay in dadkii xumaanta ka shaqeynaayey muddada labaatanka sano ee lasoo dhaafay ay dhibsadaan Howsha mucjisada ah ee ay qabatay xukuumadda Farmaajo mudadii yarayd ee ay jirtay, taasina ay keentay in ay ka horyimaadan kuwii nidaam diid-ka ahaa ee rabay in fowdo iyo dowlad la’aan wadanku ku sii jiro.

Sida lagu daabacay wargeyska La republica ee kasoo baxa dalka talyaaniga maalintii shalay ee bisha Juun aheyd 15ka waxaa ay sheegtey in dowladda talyaaniga ay u aragto in xubno qaswadayaal iyo nabaddiid ah oo ku sugan dalka Soomaaliya ay majaxaabinayaan shaqadii ay wadday xukuumadda ra’isal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wargeyska La republica oo soo xiganeysey sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibada dalka talyaaniga oo lagu magacaabo Senator Alfredo Mantica ayaa u sheegay wargeyska in mowqifka rasmiga ah ee dowladda Talyaaniga uu yahay in la dhagaysto shacabka Soomaaliyeed ee banaanbaxyada ku muujiyey rabitaankooda iyo taageerada ra’isulwasaarahooda isla markaana loo daayo inuu shaqada sii wato inta laga sameynaayo doorashooyin xor ah.

Senator Mantica ayaa sheegay in ra’iusalwasaare Farmaajo uu qabtay howlo badan oo la qaban waayey labaatankii sano ee lasoo dhaafey taas oo uu ku fasiray wax lagu tilmaami karo mucjiso rabaani ah. Mar la weydiiyey sababta loo ceyrinaayo haddii uu howl fiican qabtey waxaa uu ku jawaabay in Soomaaliya ay tahay meel ay ku badan yihiin dad badan oo jecel  fowdada iyo xumaanta,  Ra’isalwasaaruhuna uu u muuqdey nin wanaag ka shaqeynaya, taas oo keentey in dadkii xumaanta ka shaqeynayey muddada labaatanka sano ahayd ay dhibsadaan maadaama ay yihiin nidaam diid raba in fowdo iyo dowlad la’aan lagu sii jiro.

Senator Mantica ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dib loogu noqdo heshiiska Kampala isla markaana sadaxda hay’adood ee dowladdu ka kooban tahay loo ogolaado inay muddo hal sano ah sii shaqeeyaan.

Senatorka ayaa sheegay in haddii lagu madax adeego in shaqada laga eryo Raiisul Wasaare Farmaajo ay horseedi doonto Mudahaardyo xoog leh oo ay adkaan doonto in la xakameeyo sidaa darteedna uu xalka ku jiro in la dhageysto shacabka Soomaaliyeed oo ay adag tahay in la dejiyo haddii ay mar kacaan. Waxaa kale oo uu senator Mantica uu shaaca ka qaadey in Shariif Xasan uu sidiisaba yahay nin u adeegga danahiisa gaarka ah iyo siyaasad ku dhisan Dhabar ka taabasho.

WARKAAN OO AF TALYAANI KU QORAN KA AQRI HALKAAN

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: