Abaanduulaha cusub ee ciidamada AMISOM oo xilikii la wareegay.

Halkaan ka akhri

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa lagu soo qoray  in korneel Fred Mugisha oo ka mid ah ciidamada AMISOM  loo dalacsiiyay heer Jeneraalinimo, islamarkaana la filayo in uu badalo Maj. Gen. Nathan Mugisha oo haatan ah taliyaha ciidamada midowga Africa ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la soo sheegay in Janaraal Fred Mugisha uu haatan ku sugan yahay dalka Uganda, islamarkaana uu yahay jenaraalka bisha September ee sandka 2011, la wareegi doono xilka taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo xilkaasi kala wareegi doono Meyjar janaraal Nathan Mugisha oo loo magacaabay in uu noqdo safiir ku-xigeenka Dalka Uganda u fadhiya Soomaaliya.

Haddaba Gen. Fred Mugisha ayaa noqondoona taliyaha ciidamo caddadoodu gaareyso 9,000 askari oo ka kala socda dalka Yugaandha iyo Burundi, islamrkaana dagaal kula jira kooxaha nabab diidka Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya bulshada caalamka gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxa ciidamada xoogga dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa la sheegay in hortiisa lagu dalacsiinayay Gen. Fred Mugisha, wuxuuna  warbixin kooban ka bixiyay taariikhda janaraalka, isagoo tilmaamay in janaraalka uu yahay nin aad u aqlaaq wanaagsan, islamrkaana koorsooyin kala duwan oo isugu jira sirdoonimo iyo ladagaalanka argagixisada caalamka ku soo qaatay dalalka Ruushka iyo Mareykan, taa oo sabab u noqotay in uu ka mid noqdo janaraalda AMISOM ee ka howl-gasha gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss         Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

Other related Media

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MUQDISHO

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII KENYA

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MAREYKANKA

HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYTII RA’ISAL WASAARE FARMAAJO

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: