Ciidamada Ahlu Sunna ee G/ Hiiraan oo soo bandhigay meydadka rag ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Ciidamada ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo bandhigay meydadka saraakiil ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo ay ku dileen dagaal shalay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas.

 Saraakaal ka tirsan Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku sugan deegaanka Dhiirimaadle oo qiyaastii 25-km u jira Magaalada Baladweyne ayaa soo bandhigay meydadka rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen xarakada Al Shabaab kuwaas oo ay tilmaameen in ay ku dileen dagaaladii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay gobolka Hiiraan.

 Madaxa warfaafinta Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al qaadi oo u waramayay Warbaahinta sheegay in maanta uusan jirin wax dagaal ah oo ay la galeen xarakada Al Shabaab, wuxuuna carabka ku dhuftay in deegaano cusub oo ay horay ugu sugnaayeen Al Shabaab ay haatan gacanta ku dhigeen.

 Sidoo kale Abuu Yuusuf ayaa sheegay in Al Shabaab ay ka dileen 50 dagaalyahan oo uu tilmaamay in ay ku jiraan saraakiishii hogaamineysay ciidamada Al Shabaab ee shalay dagaalka la galay Ahlu Sunna Waljamaaca, wuxuuna carabka ku dhuftay in deegaanka maanta meydadka ay ku soo bandhigeen ee Dhiirimaadle  uu ka mid yahay deegaanada ay kala wareegeen Xarakada Al Shabaab, wuxuuna intaasi uu raaciyey in waqtiyada soo socda ay warbaahinta u shaacin doonaan deegaanada kale ee ay la wareegeen.

Hase yeeshee Al qaadi wuxuu sheegay in ay jiraan wadahadalo u socda dadka deegaanka iyo saraakiisha horkaceysa ciidamada culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, wuxuuna si cad u sheegay in ay ku wajahanyihiin deegaanada kale ee Al Shabaab ay gacanta ku hayaan ee gobolka Hiiraan.

 Si kasta ha ahaatee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al Shabaab oo ku aadan guulaha ay sheeganayaan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ah in ay dileen 50 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab islamarkaana ay deegaano cusub kala wareegeen.

SomaliSwiss        Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

Other related Media

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MUQDISHO

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII KENYA

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MAREYKANKA

HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYTII RA’ISAL WASAARE FARMAAJO

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: