HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Isku soo baxani oo ay ka dhacay xarunta jaaliyadda Soomaalida ah ee wadanka Uganda gaar ahaan xaafadda Soomaalidu ay  u badan tahay ee Kisenyi ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal Soomaali ah oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada   ku dhaqan Magaalada Kampala, waxaa halkaasi ay ku muujiyeen shucuurtooda ku aaddan sida ay u taagersan yihiin xukuumadda uu hoggamiyo Ra’isul wasaare Max’ed Cabullaahi Farmajo iyo dedaalka ay muujisay muddada yare e ay jirtay.
Dadkii isugu soo baxay hoolka shirarka ee jaaliyadda  waxaa ay wateen Calanka Soomaaliya, Sawirka Ra’isul wasaare Farmajo iyo  halkudhigyo ka turjumaya shucuurtooda iyo taageerada ay u muujinayaan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Dadweynaha ka soo qeyb galay isku soo baxani nabadeed waxa ay qaadayeen heeso wadani  iyo nabad jeceylka ka turjumayay, waxaana halkaasi tixo gabay ah oo dadkii ka soo qeyb galay iyo marti sharaftii qiiro galiyay ka jeediyay Abwaan Khaliif Weyne,waxaana ay dadku si qiiro leh u taageerayeen guulaha ay soo hooyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayagoo  kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan guusha ay gaareen.
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MUQDISHO
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII KENYA
HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MAREYKANKA
HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYTII RA’ISAL WASAARE FARMAAJO
Magacee ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.
SomaliSwiss Kampala
SomaliSwiss@hotmail.com
You must be logged in to post a comment.