Advertisements

Villa Soomaliya oo isu bedeshay Xabsigii Boqol jiroow iyo meel banaan-baxyaasha lagu ciqaabo.

Halkaan ka akhri

Xarunta madaxtooyada Muqdisho ee Villa Soomaaliya oo dadka badankiis u heysteen xarun dawlada laga maamulo lagana toosiyo wixii khaldama ee maamulka dalka, ayaa haatan isu bedeshay goobo shacbiga dareenka lagu caburiyo, sidii xabsigii Boqol Jiroow ee dawladii Maxamed Siyaad.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay in ilaa 180 muwaadiniin Soomaaliyeed oo isugu jira haween, Odayaal, Wariyayaal, dhalinyaro iyo carruur loo soo qabqabtay kacdoonkii dadweyne ee beryahanba ka socday magaalada Muqdisho ayaa labadii habeen ee ugu dambeysay ku hoyday xabsiyada dhulka hoostiisa ku yaalla ee xarunta Villa Soomaaliya iyo xaruntii Baarista Xisbiga ee ku dhow Xaruntaasi.

Dadkaasi waxaa la soo xirxirey maanta, shalay iyo habeen hore xilli ay bannaanbaxyo ka dhigayeen waddada isku xirta KM-4 ilaa xarunta madaxtooyada iyagoo si nabadgekyo ah ku muujinayey dareenkooda iyo sida ay uga soo horjeedaan heshiiska labada Shariif ku gaareen Kampala oo ah mid dhaawacaya sharafta iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed.

Dadka shalay la xiray waxaa ku jira wariye Maxamed Amiin Abuukar oo ka tirsanaa idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho kaasoo la xiray xili uu shalay soo tabinayey wararka dibadbaxyada ka dhacayey magaalada Muqdisho. Waxaana wariyaha iyo dadkii kale ee rayidka ahaa lagu xiray xabsi dhulka hoostiisa ku yaalla ee ay maamulaan Maleeshiyaadka Xarakada Majmaca ee PIS oo ah kuwo ka amar qaata Madaxa nabadsugida oo ka tirsan Xarakada Majmaca.

Abwaan Cabdi Yare oo ka mid ahaa xubnaha bulshada rayidka oo ka qeybqaadanayey bannaanbixii shalay ayaa sheegay in dadka la xiray ay ka badan karaan 180 wuxuuna sidoo kale tilmaamay in baabuurkii dibadbaxa oo ah bus iyo qalabkii codbaahiyaasha ee ay wateen ay qaateen ciidamada madaxtooyada.

Waxaa xarigaasi cambaareeyey ururada bulshada rayidka ee Muqdisho iyo kuwa siyaasadda iyadoo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan DKMG ah ay ka digeen in awood loo adeegsado dadweynaha.

Ra’isulwasaare Farmaajo ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magalada Muqdisho ku sheegay sida uu uga xun yahay dadka la xirxirayo iyagoo muujinaya shucuurtooda, wuxuuna ballan ku qaaday inuusan is casilayn, ka dib markii uu arkay rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed oo shegay inuu tixgein gar ah siinayo rabitaankooda.

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: