HOOS KA DHEGAYSO KHUDBADDA
Halkaan ka akhri
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo maanta shir’jaraa’id ku qabtay xaafiiskiisa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in gabi-ahaanba uusan waafaqaynin is-casilaadiisa maadama buu yiri uu arkay sida shacabka Soomaaliyeed u muujinayaan shucuubtooda.
Ra’iisal wasaare Farmaajo ayaa sheegay in isagu uusan la soconin cida ka dambeysa in dadka banaanbaxaya ka dhiga Magaalada Muqdisho la xiro xiro ama laga hor-istaagay, wuxuna sheegay in baaris ay ku sameynayaan.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale cambaareeyay in la dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed ee muujinaya rabitaankooda ku aadan in ay helaan nidaam iyagu ay ku qanacsanyihiin oo u shaqeeya, kadib 20 sano oo ay shacabku jahaweerar iyo colaad dhex dabaalayeen.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in isugu uusan doonin in shacabka la dhibaateeyo wuxuna dhinaca kale sheegay in heshiiskii Kampala uu dhaqan-gali karo haddii buu yiri ay ansixiyaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Baarlamaanka ayaa cod kooda ku biiriyay shacabka faraha badan ee Soomaaliyeed ee banaanbaxyada ay kaga soo horjeedan heshiiskii  Kampala iyo in Ra’iisal wasaare Farmaajo is-casilo.
DHEGAYSO KHUDBADII RA’ISAL WASAARAHA
Magacee ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |