Madaxa hay’ada Nabad sugida dalka Koonfur Africa oo sheegtay in ay baarayaan sida uu ku helay Fazul C/lla Pasaboorka dalkooda .

Halkaan ka akhri

Madaxa hay’ada nabad sugida Dawlada Koonfur Africa ayaa sheegtay inay baaritaano ku sameynayso sidii uu ku helay Pasaboorka dalkaasi hogaamiyihii Al-Qacida geeska Africa Fazul C/lla oo todobaadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho.

Mrs Annelie Botha oo ah Madaxa hay’ada nabad sugida dalka Koonfur Africa ayaa u sheegtay warbaahinta ayadoo ku sugan magaalada Pritoria inay baaritaano ku sameynayaan sida ay ku dhacday in Fazul C/lla oo ka mid ahaa dadka sida weyn loo doon doonayay inuu helo baasaboorka dalkaasi, islamarkaasna uu dalkaasi tagay.

Sidoo kale Mrs Annelie Botha waxay walaac ka muujisay inuu halis ku jiro amaanka koofur Africa waxayse meesha ka saartay inuu jiro qaab musuq-maasuq ah oo baasaboorkaasi lagu bixiyay.

Madaxa ugu sareeya hay’ada nabad sugida dalka South Africa Annelie Botha oo ka hadlaysay arrintaas waxay tiri: “Xogta aynu hayno waxay muujinaysaa in baasaboorkaan la bixiyay 13,kii April ee sanadkii 2009 kii waana xilli uu dalku ku jiray xaalad daganaan oo si qoto dheer loo hubinayay dadka qaadanaya baasaboorka dalkaasi, balse baaritaan ayaanu sameynaynaa”, sidoo kale Mrs Annelie Botha waxay madax ka tahay barnaamijka la dagaalanka argagixisada iyo dambiyada culus ee Africa oo loo yaqaan ICAP.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa waxaa qaar ka mid ah aqoonyahanada dalka koofur Africa ay ku eedeeyay hay’adaha socdaalka dalkaasi inay si musuq-maasuq  ah ku bixiyeen baasaboorka laga helay Fazul C/lla oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

SomaliSwis     Pritoria

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: