Laba Shariif oo Muqdisho ka bilaabay shaqaalay-siinta Hogaamiye-kooxeedyo iyo C/waal oo ka diiday.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho iyo Nairobi ayaa sheegaya in Sheikh shariif sheikh Axmad iyo gudoomiye Shariif Sakiin ay dib u howl geliyeen Qabqablayaashii dagalka Muqdisho oo ay ku amreen inay afka iyo dhuunta qabtaan, dibad baxyaasha Muqdisho haddii ay ku guulaystaanna laga dhigi doono wasiirada xukuumadda soo socota ee Shariif Sakiin xulayto.

Sida ay shegayso xog hoose oo ay heshay SomaliSwiss waxaa Maalinti Bishu aheyd 12.06.2011 uu Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan (Sakiin) xisaabaad u ku lahaa bangiyo ku yaal magaalada Dubai ka fasaxay lacag dhan Todoba Milyan ee Doolar (7 Milyan oo US$), dhaqalaahaan ayaa lagu wadaa in lagu burburiyo Kacdoonka dadweynaha, waxaana la sheegay in dhaqaalahasi haatan uu gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in la howl geliyay Hogaamiye kooxeedyadii magaalada la dagay sida, Cabdi Xasan Cawaale, Yuusuf Indhacadde, Muuse Suudi, Maxamed Dheere, Salaad Cali Jelle, Cabdulaahi Sheekh Xasan, Maxamed Ibraahim xaabsade, iyo xubno ka tirsan Xarakada Majmaca sida Axmed Cabdi Dhicisow ina Ciise Caddow iyo Cabdulaahi Macallin Mukhtaar, Muxyadiin Xasan Afrax.

Cabdi Nuurre Siyaad oo loo yaqaan C/Waal ayaa isagu diiday inuu ka qayb qaato qorshahaas wuxuuna yiri: “Labada Shariif dalka iskama laha, dalka Soomaali baa leh, mana aha wax shacbiga u qaadma in maalina iyaga la heshiisiiyo, maalinna ay Ra’iisal Wasaare eryadaan” isagoo intaa ku daray inuu soo gaaray dalabkooda ah inay dadka afka ka qabtaan laakiin uu ka diiday.

dhinaca kale Xubnaha  hogaamiye kooxeedyada ayaa bilaabay iney warbaahinta kooxda Majmaca iyo kuwo la siiyay sandareerto ay jahwareeriyaan dibadbaxayaasha, waxeyna ujeedadoodu tahay sidii weli baaqi ugu sii ahaan lahaayeen shaashada isla markaasan ay qaab afduub ugu heystaan bulshada Soomalaiyeed, iyagoo durbadiiba howlgeliyay Hogaamiye kooxdyada sida Indhacadde oo sheegay inuusan jirin Kacdoon, sidoo kale kulamo ayaa la sheegay in maalmahaan loo qabanqaabinaayo Odayaasha dhaqanka, ururada Bulshada rayidka ah si ay u gadaan in heshiiska Kampala uu yahay mid dan ugu jirta Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu waday inuu maantay soo gaaro magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay kadib markii uu aad uga argagaxay dibadbaxyada iyo sumcad xumada uu ka kasbaday bulshada ku nool magalaada Muqdisho, wuxuuna si hoose u sheegay inuusan dalka dib ugu laaban doonin inta uu Sh. Shariif sh Axmed ka xalinaayo xiisadan loogu furdaamiyo hawlaha kala qeybinta.

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: