Hillary Clinton oo sheegtay in Khilaafka Madaxda Soomaaliya uu hoos u dhac u keeni karo dadaalada nabadeed…

Halkaan ka akhri

Wasiiradda arrimaha dibbadda dalka Maraykanka Hillary Clinton oo khudbad ka jeedisay magaalada Addis-Ababa ayaa waxay ugu baqday madaxda dawlada KMG ee Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameeyaan khilaafka ka dhex aloosan oo ay sheegtay inuu waxyeeleyn karo horumarada laga gaaray dalka ee ay sameeyeen ciidamada dawlada KMG iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale Hillary Clinton waxay sheegtay in khilaafka madaxda dawlada uu hoos u dhac u keeni karo dadaalada nabadeed ee caalamku wadaan waxayna dhinaca kala xustay in tilaabooyinkii dhawaan la qaaday lagu wiiqay awooda Xarakadda Al-Shabaab taasina ay keentay inay fuliyaan weeraro is qarxin ah oo ay miciin bideen sida ay hadalka u tiri.

Haweynayda u dhaxday Mr. Clinton waxay xustay in madaxda dawlada Soomaaliya la yimaadaan hanaan is afgarad ah oo lagu sii wadi karo taageerada la siiyo si guuluhu u sii socdaan isla markaana hormar loo gaaro waxayna si caro leh u sheegtay in khilaafka haatan jira uu wax badan baajin karo.

Dhanka kale Mrs. Hillary Clinton ayaa ku amaantay ururka Midawga Africa gaar ahaan dawlada ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan ee Uganda iyo Burundi dadaalka dheeraadka ah ee naf-hurnimada leh ee ay u galeen nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, taasoo keentay in labadii bilood ee la soo dhaafay la gaaray guulo wax ku ool ah.

Ugu danbeyntii Hillary Clinton waxay hadalkeeda ku soo qaaday xaalado kale oo ka taagan wadamada Africa waxaana maanta lagu wadaa inay si gaar ah  ay ula kulami doonto R/wasaaraha Ethiopia Meles Zenawe iyo Gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabad galyada midawga Africa Jin Pin, waxayna ka wada hadli doonaan arrimaha la xiriira xaaladda Soomaaliya.

SomaliSwis     Addis-Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: