Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo fashiliyay qarax Miino dhulka lagu Aasay.

Halkaan ka akhri

Maamulka degamada Dharkeynley ee G/Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay fashiliyeen Fal ay maleeshiyaadka Shabaab qarax uga sameyn lahaayeen gudaha degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynnleey Macalin Cabdulle Cali  Hiloowle Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dagmada   ay gacanta ku dhigeen Miino  uu aasayay   mid ka mid ah Khawaarijta Shabaab, oo baxsaday ciidamaduna waxay gacanta ku dhigeen Miinadii oo ay qarxiyeen sida uu sheegay.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu intaa raaciyay in dadka deegaanku ay soo sheegeen dhagar qabaha dhulka ku aasayay Miinada si uu ugu waxyeeleeyo dadka shacabka ah, wuxuuna ka mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee ay qaateen shacabku.

Hase yeeshee Guddoomiyaha  ayaa tilmaamay in ammaanka degmada uu hada yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo, isagoo  intaa ku daray in ciidamada ammaanku ay howl gallo joogto ah wadaan.

SomaliSwis     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: