Hillary Clinton oo ubax xusuus ah dhigtay Safaaradi Mareykanka ee magaalada Dar-Alsalam oo kal hore la qarxiyey.

Halkaan ka akhri

War ay soo qortay Wakaaladda wararka ee dalka Tanzania in Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton oo booqasho ku mareysa shan dal oo ka tirsan Qaarada Afrika ay maanta ubax dhigtay Safaaradii Mareykanka ku lahaa Magaalada Dara Salam, maalin kadib markii si rasmi loo shaaciyay in Hogaamiyihii Al-Qaacida Bariga Afrika lagu dilay Soomaaliya.

Sidoo kale Hillary Clinton waxay sheegtay in geerida Fazul ay cadaalad aheyd, iyadoo u tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkii bambaano ee lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ku lahaa Dara Salam iyo Nairobi,
Waxaa ay sheegtay in Mareykanka aysan ilaabi doonin dadkii naftooda ku waayay qaraxii Dara-Salam, waxaana dilkiisa ay ku sheegtay mid dharbaaxo weyn ku ah Al-Qaacidada Bariga Afrika.

Weerarkii  Dara-Salam lagu qaaday sanadkii 1998-dii, ayaa waxaa ku dhintay 11-qof, kuwaasoo aanay ku jirin muwaadiniin Mareykan ah, sidoo kale 212 qof ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii bambaano ee isla safaaradii Mareykanka ee Nairobi lagu qaaday, hase ahaatee Fazul cabdalla Maxamed ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkaas, waxaana Mareykanka uu horay madaxiisa u dul dhigay lacag dhan 5-Milyan Doolar.

Fazul cabdalla Maxamed wuxuu ahaa Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika oo habeenadii arbacada ahayg ay Ciidamada Dowladda, iyagoon aan aqoon u laheyn ku dileen Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, xilli Gaari uu saarnaa ay wadadii ka soo luntay, deetana ku soo dhacay Bar Koontarool Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen.

Dhanka kale Geerida Fazul cabdalla Maxamed ayaa waxaa si rasmi loo xaqiijiyay maalintii sabtida, xilligaasoo Wakaaladaha Wararka ay ka qoreen in la helay baaritaan ah in ninkii ajnabiga lagu dilay arbacadii Koontaroolka Muqdisho uu ahaa ninkii la baadi goobayay, sidoo kale Fazul cabdalla wuxuu aad u yaqaanay Luqadaha Englishka, Arabic, French, Swahili iyo luqa deegaanka uu ka soo jeedo ee Jasiirada Comoros

Hase yeeshee Fazul Cabdalla Maxamed ayaa ka mid ahaa saddex nin oo uu Mareykanka in muddo ku dhuumaaleysanayay Soomaaliya, labo ka mid ah horay ayaa loo dilay, Saalax Nabhaan waxaa lagu dilay weerar gaar ah oo Ciidamada Kumandoska Mareykanka fuliyeen bishii September sanadkii 2009-kii, markii Kolonyo uu la socday lagu weeraray agagaarka Baraawe, kadibna meydkiisa ay qaateen, sidoo kale Abuu Dalxa Asu-Sudan oo loo yaqaanay Cabdalla Suudaan ayaa isna la sheegay inuu ku dhintay dagaal ka dhacay Jubooyinka, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Shabaab.

Si kasta ha ahaatee  arrinta is weydiinta mudan a waxay tahay dilka Fazul kadib Mareykanka oo ahaa ninkii u dambeeyay raggi ay u heysteen inay ka dambeeyeen weeraradii safaaradaha Nairobi iyo Dara-Salam, cida ay hadana shiishka saari doonaan, sidoo kale waxaa iyana xusid mudan cida abaal marin ahaanta u heli doonto lacagta shanta Malyan ee madaxiisa saarneyd, inkastoo markii hore aan aqoon iyo waayo aragnimo loo lahaa muuqaalkiisa lagu dilin.

SomaliSwiss     Dara-Salam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: