Halkaan ka akhri
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna R/wasaare kuxigeenka dowladda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu Socdaal Shaqo ku marayaa Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya hase aheetee ujeedada socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro soo gebagabeynta Diyaargarow ay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ugu jireen Xureynta gobolada dalka.
Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa wuxuu  gobolka Gedo kulan uu kula qaatay Saraakiisha iyo Mas,uuliyiinta Dowlada ee ku sugan halkaasi, waxaana kulankaas looga hadlay Adkaynta amaanka gobolkaasi oo inta badan ay Ciidamada Dowladu gacanta ku hayaan iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaalada gobolka looga xureynayo kooxaha Al-Shabaab.
Wasiirka oo xalay wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in socdaalkooda uu ka danbeeyay ammarka Madaxwayanaha ku amray Mas’uuliyiinka qaranka oo ahaa in laga war hayo ciidamada iyo dadka ku sugan gobolada, gaar ahaan G/Gedo oo ah meel istaraatiiji ah, isagoo intaa ku daray in ay meelo kale oo badan booqan doonaan si loo xoojiyo howlgallada goor dhowna ay bilaaban doonaan.
SomaliSwiss   Garbahaarey
Related articles
- Afhayeenka Al-Shabab oo beeniyay in dilkii Wasiirka Arimaha Gudaha ay u adeegsadeen Dumar. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- dowladda Holland oo sheegtay inay Ciidamo u soo dirayso gudaha dalka Somaliya. (somaliswisstv.com)
Filed under: Gedo |