Halkaan ka akhri
Wasiirka gaashaandhiga dalka Uganda Crispus Kiyonga ayaa sheegay in ciidamadooda Soomaaliya jooga ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.
“Waxaa qorshaheenu yahay inaan sii wadno hawlgalada ay ciidamadeena Muqdisho ka wadaan illaa amaanka laga dhigo mid la isku halayn karo” sidaas waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhiga Uganda Crispus Kiyonga
Wasiirku oo ka qeyb galayay aas qarameed loo sameeyay Col. Patrick Sibihwa Mulefu oo horaantii bishaan ku geeriyooday dagaalo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab illaa ay ka guulaysanayaan oo ay amaanka gacanta ku dhigayaan.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku waayeen saraakiil muhiim ah haddana ay ku rajo wayn yihiin inay ka guulaysanayaan Al-Shabab.
wasiirka gaashaandhiga dalka Uganda Crispus Kiyonga oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaa qorshaheenu yahay inaan sii wadno hawlgalada ay ciidamadeena Muqdisho ka wadaan illaa amaanka laga dhigo mid la isku halayn karo”.
Dhanka kale taliyaha ciidamada lugta dalka Uganda Gen. Katumba Wamala oo isna goobtaas ka hadlay ayaa ugu baaqay ciidamadooda Soomaaliya ka jooga inay qaadaan tilaabooyin ku buuxinayaan uguna aar gudayaan Col. Patrick Sibihwa oo ahaa saarkaalkii ugu sareeyay ee ciidamada Uganda uga geeriyooda dagaalada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.
Hase yeeshee Afhayeenka ciidamada Uganda Col. Felix Kulayigye oo la hadlay wargeyska New Vision aya sheegay in xukuumadisu soo dhaweynayso dilkii magaalada Muqdisho loogu dilay hogaamiyihii Al-Qacida ee geeska Africa Fazul C/lla oo todobaadkii hore ciidamo ka tirsan kuwa dawlada KMG ee Soomaaliya ay ku toogteen agagaarka dhismaha xarunta ciidamada Asluubta.
Balse Felix Kulayigye waxaa uu tilmaamay in geerida Fazul ay hoos u dhac ku keeni doonto awooda Al-Qacidada Africa iyo tan Al-Shabab.
SomaliSwiss Kampala
Related articles
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Afhayeenka Al-Shabab oo beeniyay in dilkii Wasiirka Arimaha Gudaha ay u adeegsadeen Dumar. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale. (somaliswisstv.com)
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.