Shariif Sakiin iyo Prof. IBBI oo xalay lagu weeraray Suuqa Dahabka Dubai

Halkaan ka akhri

Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo saxiibkiis Prof. IBBi ayaa xalay dadweyne caraysan ku weerareen gudaha suuqa dahabka Dubai, xilli ay doonayeen inay Dukaan halkaas halkaas ku yaalla ka qaataan lacag, ka dib markii ay shalay gelinkii dambe safar deg deg ah ku galeen dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay in laga soo qaadayo lacag lagu kala fur furo Baarlamanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan heshiis dhagareedkii Kampala Accord ee labada Shariif ku soo heshiiyeen.

Shariif Sakiin iyo IBBI oo ay weerareen dadweyne Soomaaliyeed oo ka qaxweynayay maqaaxi ku taalla Suuqa dahabka ayaa markii ay aqoonsadeen labada nin ku xoomay, waxayna bilaabeen inay u gacan qaadaan hase yeeshee, labadaba waxay ku fakadeen fara cidda leh, iyadoo goob joogayaashii dhacdadaas ay SomaliSwiss u sheegeen in Prof. IBBi ay gaareen dhaawacyo xagga jirka ah iyo garaafooyin wejiga ah.

Shariif Sakiin wuxuu maalinta berri ah ee Talaadada kusoo gurya noqon doonaaa Magaalada muqdisho, markii uu maanta Dubai kasoo qaato xoogaa lacag ah oo ugu diyaarsanayd halkaas oo la doonayo in shaqo lagu qabto 3-da maalmood ee soo socota, iyadoo ay hadda olole ballaaran Muqdisho ka wadaan rag uu uadeejiyay oo u badan Hogaamiye kooxeedyo ay ka mid yihiin Muuse Suudi, Qanyare, C/Qeybdiid, Salaad Cali Jeelle iyo kuwa kale iyo xildhibaanno, kuwaas oo ku jira olole ballaaran oo wax kala fur furis ah, waxaana laga soo xigtay Shariif Sakiin inuu Qamaar kama Dambays ah ciyaarayo saddexda maalmood ee ugu dambaysa todobaadkaan. wixii soo kordha kala soco SomaliSwiss.

SomaliSwiss Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: