Mahiga oo la casilayo….Muqdisho oo uu maanta ku imaanayo Maca-salaamayn qarsoodi ah.

Halkaan ka akhri

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahiga ayaa waynaya xilkiisii ka dib markii uu lumiyay kalsoonidii shacabka Soomaaliya, taas oo keentay in banaan baxyo Soomaalidu dhigayeen 3 maalmood ee lasoo dhaafay lagu gubay sawirradiisa, iyadoo Banki-Moon laga codsaday inuu eryo.#

Warar laga helay Diplomaasiyiin sar sare oo ka tirsan xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijinaya in Banki-Moon go’aansaday inuu casilo Mahiga iyo qayb ka mid ah madaxda UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahan xafiisyada UNPOS, OCHA, UNDP, WHO iyo  and UNICEF, kuwaas oo dhammaantood laga gudbiyay cabashooyin fara badan iyo wax qabad la’aan isasoo tarayay 12 bilood oo lasoo dhaafay.

Macadda qofka lagu bedeli doono Mahiga, balse waxay ilahaas Diplomaasiyadeed saadaaliyeen in Magacyada miiska u saaran Banki-Moon uu ugu cad cad yahay Professor Ibrahim Gambari oo ah diplomaasi u dhashay Nayjeriya, isla markaana ah Muslim, kaas oo kasoo shaqeeyay meelo badan oo ay ka mid tahay Sudan oo uu madax ka noqday UNAMID.

Mahiga oo lasoo gaarsiiyay inuu isu diyaariyo ka tegista shaqada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta safar qarsoodiya ku yimaado Muqdisho si uu u macasalaameeyo saxiibadiis, isagoo horena usii riixaya ka mira dhalinta heshiiskii Kampala ee muranka badan dhaliyay.

SomaliSwiss News desk.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: