Sawirada Sirtii laga helay Hogaamiyihii Al-qaida ee Barigaa Afrika Fazul Abdalla.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Nin lala dilay Hogaamiyahii Al-Qaacida ee Barigga Afrika Fazul Abdallah Mohamed ayaa noqday Sarkaalkii ka dambeeyay qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay Magaaladda Kampala sida  ay sheegeen ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda KMG ah oo baaritaan ku sameeyay labada nin.

Inkastoo Fazul iyo saaxiibkiis oo lagu dilay agagaarka Ex Control Afgooye 8 June 2011 laga helay gaarigii ay wateen sirtii Alqaacida ee Afrika hadana macluumaadka waxay aakhiro u dirayaan shaqsiyaad hore isu qarin jiray oo gacan weyn ka geystay qarbudaadii ka dhacday barigga Afrika

Telefoonadda Fazul Abdallah iyo Darawalkiisa ayaa laga helay dhamaan telefoonada Madaxda Al-Qaacidada Afrika isticmaasho iyo shaqsiyaad caana oo maalgeliya.

Ninka gaariga u waday Fazul Abdallah oo lagu magacaabo Muuse Xuseen oo dhalashadiisu tahay Kenyan,kuna dhashay Magaaladda Wajeer ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa nin muhiima oo Alqaacida u qaabilsanaa hoowl galada dalalka Barigga Afrika.

Muuse oo lug uga go’ay dagaalkii Maxaakiimta la gashay Maleeshiyadii Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid sanadkii 2006 waxay Alqaacida iyo Al-Shabaab ugu yeeri jireen Cabdullaahi Dheere,

Ciidamadda Sirdoonka Kenya ayaa Muuse u xiray shaki argagixisonimo hasse yeeshee wuxuu Kenya ka baxsaday 4 Febaury 2011 , markii lagu sii daayay damiin, sida ay xusayaan ilaha wararka nabad sugiddu. Muuse waxaa Soomaaliya ulasoo baxsatay walaashiis oo lagu magacaabo Zam Zam oo ay Hooyo wadaag yihiin.

Muuse wuxuu xiriir joogtaa la lahaa Sheekh ku nool Magaaladda Nairobi oo lagu magacaabo Xasan Xuseen, kaas oo inta badan u fadwooda xarakada Al-shabab,  sida laga ogaaday telefoonkiisa gacanta, Sheekh Xasan Xuseen wuxuu ahaa qofkii lixaad ee Waco telefoonka Muuse Xuseen ama Cabdullaahi Dheere, markii la dilay ka dib.

Sheekadda ugu xiisaha badan waxay tahay dukumiintiyadii laga helay gaariga Fazul Abdallah.

Documentiyada laga helay Fazul Abdalla waxay muujinayaan in uu 19-kii March ee sanadkan 2011 uu ka soo safray dalka South Afrika oo baasaboorkeeda uu watay, uuna maalinkii xigay ee 20-kii March dal ku gal rasmi ah ku yimid Magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzania, isagoo ka dibna safar aan la helin dariiqiisa, bad iyo berri, ku soo galay Soomaaliya.

Fazul Abdallah waxaa sidoo kale laga helay Sawiro iyo Documentiyo ay ka mid yihiin warqad uu ku saxiixan yahay Xasan Daahir Aweys oo ka mida hor-joogayaasha Alshabaab, taas oo la qoray 03/05/2011, maalin ka dib dilkii Osama Bin Laden, isagoo uga tacsiyeeyay dhimashadii shiikhooda.

Sawirada laga helay Gaariga Fazul Abdallah waxaa ka mida Xaaskiisa,laba Caruur uu dhalay, Kaartadii Muqdisho ay ku qabsanayeen iyo inta badan madaxda Al-Shabaab iyo Al Muhaajiriin AlQaida. Waxaa sidoo kale laga helay Fazul lacag kaash ah oo cadadkeeda laysku khilaafay hase yeeshee isugu jirtay, Doollar iyo Starliinka Ingiriiska.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: