Daawo Banaan baxyadii Muqdisho ee shalay.

HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Banaan baxyo ballaaran ayaa shalay mar kale ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoo ay dadka banaan baxayay taageersanaayeen inuu sii shaqeeyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo, iyagoo sidoo kale dalbanayay in la furo fadhiyada Baarlamaanka.

Banaan baxii shalay oo markii hore ku bilowday abaabul dadka guryaha looga soo bixiyay, kaasoo Gawaari codbaahiyeyaal lagu rakibay dadka loogu sheegayay inay isugu soo baxaan dibad bax ayaa waxay  iska qabsadeen Isgoyska Zoope, KM4 ilaa wadada  garoonka diyaaradaha tagta.

Dad Dhalinyaro u badan ayaa horkacayay banaan baxa, waxaana wajiyadooda  ku qornaa Calanka Soomaaliya, iyagoo watay booray Sawirka Ra’iisul Wasaare Farmaajo, waxaana ay sheegeen inay ka soo horjeedaan natiijadii ka soo baxday heshiiskii lagu gaaray Magaalada Kampala.

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: