Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Calanka dalka 3 maalmood hoos loo dhigayo..

Halkaan ka akhri

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumadda KMG ayaa sheegtay in muddo sadax maalmood ah calanka jamhuuriyadda Soomaaliya  hoos loo dhigayo islamarkaana ay fasax yihiin dhammaan shaqaalaha dowladda.

Mudane Axmed Cali Yaqle oo ah Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa sheegay in go’aanku uu ka soo baxay madaxda sare ee dowladda, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga codsanayo in aysan wax banaan baxyo ah samaynin sadaxdaasi maalin, si ay uga qayb qaataan baroordiiq loo samaynayo allaha u naxariiste wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka marxuum C/kashuur Shiikh Xasan Faarax.

Sidoo kale Mudane Axmed Cali Yaqle ayaa tilmaamay in shacabka looga baahan yahay in ay dareenkooda si qiiro leh u muujiyaan islamarkaana ay si wayn uga qayb qaataan boordiiqda marxuumka ka baxay qaranka Soomaaliyeed loo samaynayo, isagoo sheegay in ay tahay maalmo loo baahan yahay in la muujiyo qashuuc iyo waddaninimo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: