Sir laga helay Boorsada Fazul Abdalla – Sawiro iyo Saxiixyada Xasan Daahir oo 30 maalmood ka hor ah.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  Arbacadii lasoo dhaafay ee 8-da June 2011, xilli habeen ah, waxay dileen, Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii ururka  AlQaacida u qaabilsanaa Bariga Afrika, isla markaana ahaa madaxa ugu sareeya ee ururka Al-shabaab.

Dilka Fazul Cabdalla waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgoye, ka dib markii ay ciidammada dowladdu bar- koontorool ku joojiyeen gaari 4WD ah oo ay wateen Fazul iyo qof kale ajnabi ahaa.Markii Ciidammada dowladdu joojiyeen waxay nimankii isku dayeen in ay dagaallamaan, waxaase  ciidamada Soomaaliyeed ku guulaysteen in ay dilaan labadii nin.

Fazul oo gaarigiisa iyo jeebabkiisa laga helay lacag fara badan oo Doollarka Maraykanka iyo Pound-ka Ingiriiska isugu jirtay ayaa sidoo kale lagala wareegay keydkii Documentiyada uu ku xafidan jiray, iyadoo siraha laga helay ee la xusi karo ay ka mid yihiin in Fazul Cabdalla uu 19-kii March ee sanadkan  ka  dhoofay  dalka South Afrika uuna maalinkii xigay ee 20-kii March dal-kugal rasmi ah ku yimid magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzanina, isagoo ka dibna safar dhulka ama badda ah ku soo galay Soomaaliya. Sidoo kale Sirta lahelay ayaa muujinaysa in Fazul Cabdalla oo adeegsanayay Baasaboor South Afrikaan.

Sirta lahelay waxaa ka  mid ah in Fazul Cabdalla iyo Xasan Daahir Aweys uu kulan dhex maray 03/05/2011, sida ay muujinayaan Sawirro iyo Documentiyo kale oo uu ku saxiixan yahay Xasan Daahir Aweys,  lamana shaacin waxyaabaha ay isdhaafsanayeen iyo warqadahaaas waxa ku qornaa toona.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: