Hillary Clinton oo xaqiijisay dilkii Fazul Abdalla.

Halkaan ka akhri

War ay sheegtay haweynayda mas’uulka uga ah Dowladda Maraykanka Siyaasadda arrimaha dibadda ayaa xaqiijisay in Magaalada Muqdisho uu ku dhintay hogaamiyihii Al Qaacida ee Bariga Afriga iyadoo si weyn u soo dhaweysay dilkiisa kuna amaantay dowladda KMG.

Xoghayaha Arimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton oo ku sugan magaalada Daressalaam ee caasimada dalka Tanzania ayaa xaqiijisay in la dilay hogaamiyihii Ururka Al Qaacida ee bariga Afrika, waxaana ay sheegtay in dowlada Mareykanka ay soo dhaweyneyso dilka loogeystay Fazul Cabdalla Max’ed oo ahaa hogaamiyihii Al qaacida ee bariga Afrika.

Sidoo kale Hillary Clinton ayaa waxay sheegtay in ay haatan wiiqantay awoodii argagixisada geeska Afrika, waxaana ay intaasi ku dartay in dilka loo geystay Hogaamiyihii Ururka Al Qaacida ee bariga Afrika ay dhabar jab ku tahay ururka Al qaacida.

Dhanka kale Xoghayaha Arimaha dibada ee dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Fazul Abdullah Mohammed uu ahaa ninkii ka danbeeyey qaraxyadii ka dhacay sanadkii 1998 magaalooyinka Daressalaam iyo Nairobia halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 224 qof  waxaana ay sheegtay Clinton in ciidamda FBI ay ku daba jireen tan iyo sanadkii 2004.

Hase yeeshee Saraakiil u hadashay dowladda Maraykanka oo ay soo xigatay wakaalada wararka Reuters oo aysan magacyadooda carab baabin ayaa si weyn ugu amaanay dowladda KMG Soomaaliya falkaani ay ku dishay madixii ururka Al qaacida ee bariga Afrika, waxeyna xaqiijiyeen in ninkaasi lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Maraykanka ayaa horay u dul dhigtay madaxa Fazul Cabdullaahi Max’ed aduun lacageed oo gaaraya 5 milyan oo doolarka Maraykanka, waxaana in mudo ah ay ka baadi goobayeen Maraykanka wadamo dhowr ah oo kuyaala qaarada Afrika.

SomaliSwiss  Daressalaam 

  SomaliSwiss@hotmail.com

NIMCO DAREEN HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

 Other Related Articles

More stats 1,694
Sawiradii ugu dambeeyay ee Banaan-baxyada Muqdisho iyo Mahiga oo loo abaal guday. More stats 600
Daawo Sawirada Banaan baxyadii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya. More stats 554
Hotel ay deganaayeen Xildhibaano taageersan Shariif Sakiin oo ay gubeen kacdoonka Muqdisho markii ilaaladu rasaas ku furtay. More stats 175
War Deg deg ah: Radio Muqdisho oo ay qabsadeen Kacdoonkii shacabka iyo idaacadda oo baahisay in ay la shaqaynayso. More stats 156
WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. More stats 124
Ra’isulwasaare Farmaajo oo banaan baxayaashii Muqdisho lahadlay markii uu kasoo baxay Garoonka Muqdisho. More stats 97
XUL HEESO SOMALI CLASSIC & WADANI More stats 74
Maamul goboleedka Ceelbuur state oo lagu dhawaaqay & taageerayaasha Al-Shabab oo ka qayliyay. More stats 73
Kacdoonkii Muqdisho oo halkiisii ka socda iyo kaalinta Booliiska Soomaalida ay ka ciyaarayaan. More stats 67
Qarax ismiidaamin ah oo galabta lagu dilay Wasiirkii arimaha gudaha C/shakuur Sheikh Xasan. More stats 66
Dhegayso wararka Banaan-baxyada Muqdisho, Gobollada Soomaaliya iyo meelo kale. More stats 64
Muuqaalladii ugu dambeeyay ee Wasiirka Caawa la-dilay oo saacado ka hor Muqdisho kula hadlay dad isu soo baxay oo taageersanaa dowladda. More stats 61
Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye & Jaaliyadaha qurbaha oo diiday ridista xukumadda uu hogaamiyo Ra’isal wasaare Farmaajo. More stats 59
Soomaalida qurba joogta oo dibad-baxyo lagu diidan yahay labada Shariif isu ballansaday Salaadda Jimcaha kadib. More stats 55
Dhageyso dareenka dadweynaha reer Muqdisho ay ka muujiyeen heshiis dhagareedka Labada Shariif. More stats 48
Farxiya Fiska: Hees Cusub ee Sanadka 2011. More stats 37
Fannaanada sanadka Farxiya Fiska.. More stats 36
Golaha Wasiirada Cusub Magacyadooda iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan. More stats 29
Madaxweyne Shariif oo ay Banaanbaxayaal u diideen in uu kasoo baxo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho. More stats 29
Laba Shariif….Hees Cusub (Xamar Xeebtiisa) More stats 29
Mudane Farmaajo: Shacabkaaga Ama Laba Shariif. More stats 26
Banaanbaxyo rabshado wata oo lagu diidan yahay Labada Shariif, isla markaana lagu taageersan yahay RW. Farmaajo oo ka soconaya Muqdisho. More stats

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

%d bloggers like this: