Wasaaradda arrimaha dibbadda Maraykanka oo sheegtay in ay si taxadar leh u soo dhaweynayso banaanbaxyada ka socda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wasaaradda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxay war qoraal ah ka soo saartay Banaanbaxyada Soomaaliya ka socda waxayna shaaca ka qaaday in Maraykanku uu si taxadar leh u soo dhaweynayso dibad baxyada lagu taageerayo R/wasaare Farmaajo ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa lagu soo qoray warkan, waxaana lagu sheegay in dadka dibad baxa dhigaya ay xaq u leeyihiin inay danahooda ka hadlaan oo ay ra’yigooda cabiraan si madax banaan oo aysan wax caburin ah ku jirin.

Sidoo kale Wasaradda arrimaha dibbadda dalka Maraykanka waxay sheegtay inay soo dhawaynayso sida cabsi la’aanta ah ee dadku wadooyinka iskugu soo baxeen ee ay argatooda ku dhiibteen waxaana ay wasaaraddu ku amaantay dawlada KMG Soomaalida sida ay dibad baxayaasha ula shaqeeyaan.

War saxaafadeedka laga soo saaray wasaradda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa lagu yiri: “Waan soo dhaweynaynaa dibad baxyada Soomaaliya ka socda ee dadku ku dalbanayaan waxa ay rabaan waana mudanyihiin shacabku inay helaan waxa ay u baahanyihiin”.

Dhan kale Dawlada Maraykanka ayaa waxay wax lagu farxo ku tilmaamantay hawlgalada ay Muqdisho ka wadaan ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM.

Hase yeeshee hadalka ka soo yeeray dowladda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii labaad ay Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay oo khasaare geystay, kaasoo loogu taageerayey R/wasaare Farmaajo wxaana dibad baxyadan oo kalena ay ka dhaceen gobalada dalka qaarkood iyo wadamada dariska ah.

SomaliSwiss      Washington DC

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: