WAR DEG DEG AH: Shariif Xasan oo dowladda Kenya ay uga digtay in uu dalkeeda sii joogo, una duulay Addis Ababa.

Halkaan ka akhri

War deg deg ah oo dhowaan naga soo gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu isaga cararay dalka Kenya, isla markaana si kedis ah uga degey magaalada Addis ababa.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah oo lagu kalsoon yahay, lana socda wafdiga shariifka ayaa sheegaya in Shariif Xasan xalay uu ka degey magaalada Addis, markii shalay gelinkii dambe uu soo gaaray dalka Kenya oo dowladda dalkaasi u sheegtay inaysan sugi karin Ammaankiisa oo ay aad u kacsan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, sidaasi daraadeedna uusan ku nagaan Nairobi oo ay shalay ka dhacayeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiskii isaga iyo madaxweynaha ay ku gaareen magaalada Kampala ee wadanka Uganda.

Dawlada Kenya ayaa ku wargelisay in joogitaankiisa Nairobi ay khatar ku tahay amniga wadanka Kenya maadaama ay dadka Soomaalida ah oo ku dhaqan dalkaas ay aad u kacsan yihiin ayna diidan yihiin heshiiska dhex maray Labada Shariif.
Shariif Sakiin ayay sheegeen ilo wareedyadaasi, in hadalka dowladda Kenya gaarsiisay, ka dib uu maqlay dilkii wasiirka arrimaha gudaha, ka dibna uu go’aansaday inuu u gudbo dalka Itoobiya.

Shariif Xasan ayaa mudooyinkan dambe xulufo la ahaa dawlada Ethiopia oo si weyn u gacan togaaleynaysay siyaasada Soomaaliya waxaana la sheegaa in Shariif Xasan uu saaxiib daneed dhow la yahay ra’isul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo isagu diidanaa in xukuumada raysul wasaare Farmaajo ay sii shaqeyso sababo la xiriira qabiilkiisa dartiisa.

Lama oga in Shariif Xasan uu sii joogi doono Addis Ababa iyo inuu wadan kale u safri doono, maadaama ay adag tahay sida uu xilligan ku imaan karo Muqdisho waayo kacdoonka dadweyne ee lagu diidan yahay isaga iyo Madaxweynaha ee ka jira Muqdisho dartiis.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

NIMCO DAREEN HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

 Other Related Articles

More stats 1,694
Sawiradii ugu dambeeyay ee Banaan-baxyada Muqdisho iyo Mahiga oo loo abaal guday. More stats 600
Daawo Sawirada Banaan baxyadii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya. More stats 554
Hotel ay deganaayeen Xildhibaano taageersan Shariif Sakiin oo ay gubeen kacdoonka Muqdisho markii ilaaladu rasaas ku furtay. More stats 175
War Deg deg ah: Radio Muqdisho oo ay qabsadeen Kacdoonkii shacabka iyo idaacadda oo baahisay in ay la shaqaynayso. More stats 156
WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. More stats 124
Ra’isulwasaare Farmaajo oo banaan baxayaashii Muqdisho lahadlay markii uu kasoo baxay Garoonka Muqdisho. More stats 97
XUL HEESO SOMALI CLASSIC & WADANI More stats 74
Maamul goboleedka Ceelbuur state oo lagu dhawaaqay & taageerayaasha Al-Shabab oo ka qayliyay. More stats 73
Kacdoonkii Muqdisho oo halkiisii ka socda iyo kaalinta Booliiska Soomaalida ay ka ciyaarayaan. More stats 67
Qarax ismiidaamin ah oo galabta lagu dilay Wasiirkii arimaha gudaha C/shakuur Sheikh Xasan. More stats 66
Dhegayso wararka Banaan-baxyada Muqdisho, Gobollada Soomaaliya iyo meelo kale. More stats 64
Muuqaalladii ugu dambeeyay ee Wasiirka Caawa la-dilay oo saacado ka hor Muqdisho kula hadlay dad isu soo baxay oo taageersanaa dowladda. More stats 61
Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye & Jaaliyadaha qurbaha oo diiday ridista xukumadda uu hogaamiyo Ra’isal wasaare Farmaajo. More stats 59
Soomaalida qurba joogta oo dibad-baxyo lagu diidan yahay labada Shariif isu ballansaday Salaadda Jimcaha kadib. More stats 55
Dhageyso dareenka dadweynaha reer Muqdisho ay ka muujiyeen heshiis dhagareedka Labada Shariif. More stats 48
Farxiya Fiska: Hees Cusub ee Sanadka 2011. More stats 37
Fannaanada sanadka Farxiya Fiska.. More stats 36
Golaha Wasiirada Cusub Magacyadooda iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan. More stats 29
Madaxweyne Shariif oo ay Banaanbaxayaal u diideen in uu kasoo baxo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho. More stats 29
Laba Shariif….Hees Cusub (Xamar Xeebtiisa) More stats 29
Mudane Farmaajo: Shacabkaaga Ama Laba Shariif. More stats 26
Banaanbaxyo rabshado wata oo lagu diidan yahay Labada Shariif, isla markaana lagu taageersan yahay RW. Farmaajo oo ka soconaya Muqdisho. More stats

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

%d bloggers like this: