Ra’isal wasaare Farmaajo:- Laba Shariif uma shaqeyno ee shacabka ayaan u adeegnaa…

HOOS KA FIIRI QORAAL ASAL AH

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Xukuumadda Ku meel Gaarka Soomaaliya ayaa maanta Kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay Magaalada Muqdisho kuwaasoo ka hadlayay wadciga Maanta la marayo iyo Xaaladihii u danbeeyay ee Siyaasadda Soomaalida.

Kulanka oo uu shir guddoomiyaya Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu halkaa ka jeediyay Khudbad uu uga hadlayay Kulankii Kanbala iyo Go’aanadiisii u danbeeyay si uu u qeexo  wixii beryahanba ay ka sugayeen Bulshada Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay banaan baxyo ay ku dhigayeen kaga dalbanayeen Ra’iisul wasaaraha inuusan xilkiisa iska casilin.

 Khudbaddii uu Ra’iisul wasaaraha ka jeediyay Fadhigii Golaha Wasiirada ayaa waxaa ugu Muhiimsanaa Seddax qodob oo Ujeedada oo dhan uu ku soo koobay.

 Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegey in Xilkan uu u Magacabay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu Barlamanku Ogolaaday, In Xilka uu Hayo uusan Madaxweynaha ka qaadi Karin, In Xilkaasi uu ka qaadi karo oo keliya Barlamanka iyo arrinta Sedaxaad oo ah in Xilkiisa uusan uga tagayn Shakhsi halkaasna uu ku joogo Rabitaanka Shacabka iyo Kalsoonida Ummaddiisa.

 Ra’iisul wasaare Farmaajo oo ka hadlayay Kulankii Kanbala ayaa sheegey in Beesha Caalamku ay Cadaadis ku saareysey in uu Saxiixo Heshiiskii dhowrka qodob ka koobnaa oo ay ku jirtay in Ra’iisul wasaaraha muddo Soddon Casho gudaheeda uu Xilka kaga dego.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa raaciyay in dhawaan Madaxweyne Shiikh Shariif uu la kulmay qaar ka mid ah Odayasha Dhaqanka isla markaana ay kala hadleen arrinta Ra’iisul wasaaraha taasoo uu Madaxweyne Shariifna u sheegey Odayaashaas in Ra’iisul wasaaruhu uusan saxiixin Heshiiskii kanbala walow uu jiray Cadaadis badan oo dhinaca Beesha caalamka ka imaanayay.

Madaxweynaha ayaa sheegey in Farmaajo uu Xor yahay haatan dalkiisana uu joogo isagoo kala dooran karaya inuu xilkiisa sii wato iyadoo aysan jirn cid khasbaysa iyo inuu iska casilayo midnaba.

 Si kastaba Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa ku adkaystay inuusan marnaba iska casileyn xilkiisa shaqadiisana uu sii wadan doono arrintan oo noqotay mid si weyn ay u soo dhaweeyeen Golaha wasiirada ee Xukuumadda. Farmaajo oo maalmihii u danbeeyayba lagu cadaadinayay in la kala diro xukuumaddan si mid kale loo keeno. HALKAAN KA AQRI WAR SAXAFADEED UU SOO SAARAY RA’ISALWASAUHU

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

NIMCO DAREEN HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

 Other Related Articles

More stats 1,694
Sawiradii ugu dambeeyay ee Banaan-baxyada Muqdisho iyo Mahiga oo loo abaal guday. More stats 600
Daawo Sawirada Banaan baxyadii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya. More stats 554
Hotel ay deganaayeen Xildhibaano taageersan Shariif Sakiin oo ay gubeen kacdoonka Muqdisho markii ilaaladu rasaas ku furtay. More stats 175
War Deg deg ah: Radio Muqdisho oo ay qabsadeen Kacdoonkii shacabka iyo idaacadda oo baahisay in ay la shaqaynayso. More stats 156
WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. More stats 124
Ra’isulwasaare Farmaajo oo banaan baxayaashii Muqdisho lahadlay markii uu kasoo baxay Garoonka Muqdisho. More stats 97
XUL HEESO SOMALI CLASSIC & WADANI More stats 74
Maamul goboleedka Ceelbuur state oo lagu dhawaaqay & taageerayaasha Al-Shabab oo ka qayliyay. More stats 73
Kacdoonkii Muqdisho oo halkiisii ka socda iyo kaalinta Booliiska Soomaalida ay ka ciyaarayaan. More stats 67
Qarax ismiidaamin ah oo galabta lagu dilay Wasiirkii arimaha gudaha C/shakuur Sheikh Xasan. More stats 66
Dhegayso wararka Banaan-baxyada Muqdisho, Gobollada Soomaaliya iyo meelo kale. More stats 64
Muuqaalladii ugu dambeeyay ee Wasiirka Caawa la-dilay oo saacado ka hor Muqdisho kula hadlay dad isu soo baxay oo taageersanaa dowladda. More stats 61
Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye & Jaaliyadaha qurbaha oo diiday ridista xukumadda uu hogaamiyo Ra’isal wasaare Farmaajo. More stats 59
Soomaalida qurba joogta oo dibad-baxyo lagu diidan yahay labada Shariif isu ballansaday Salaadda Jimcaha kadib. More stats 55
Dhageyso dareenka dadweynaha reer Muqdisho ay ka muujiyeen heshiis dhagareedka Labada Shariif. More stats 48
Farxiya Fiska: Hees Cusub ee Sanadka 2011. More stats 37
Fannaanada sanadka Farxiya Fiska.. More stats 36
Golaha Wasiirada Cusub Magacyadooda iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan. More stats 29
Madaxweyne Shariif oo ay Banaanbaxayaal u diideen in uu kasoo baxo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho. More stats 29
Laba Shariif….Hees Cusub (Xamar Xeebtiisa) More stats 29
Mudane Farmaajo: Shacabkaaga Ama Laba Shariif. More stats 26
Banaanbaxyo rabshado wata oo lagu diidan yahay Labada Shariif, isla markaana lagu taageersan yahay RW. Farmaajo oo ka soconaya Muqdisho. More stats

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

%d bloggers like this: