Marxuum C/Shakuur Sh. Xasan Faarax oo saakay Aas Qaran loogu sameynayo magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG ah Somaaliaya ayaa xalay saacad kaddib markii uu geeriyooday Wasiirkii arrimaha gudaha C/Shakuur Sh. Xasan Faarax waxay u magacowday guddi qabanqaabiya aas Qaran oo loo sameynayo, waxaana guddigaasi oo Guddoomiye u yahay Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano.

Allaha u naxariistee Wasiirkii arrimaha gudaha DFKMG ah C/Shakuur Sh. Xasan Faarax oo xalay gabar uu adeer u ahaa ay ku fulisay qarax is miidaamin ah xilli uu ku sugnaa gurigiisa ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah, iyagoona sheegay inuu ahaa shaqsi daacad ah oo howlkar ah.

Dhanka kale waxaa Saakay saakay bilowday diyaar garow loogu jiro sidii meydka Wasiirka Aas Qaran loogu sameynayo, waxaana la filayaa inay ka soo qeyb galaan madaxda sare ee Dowladda.

Sida la wada ogsoon yahay  qaraxa is miidaaminta ah ee lala beegsaday Allaha u naxariistee C/Shakuur Sh. Xasan Faarax, waxaa sheegtay inay fuliyeen xarakada Al-Shabaab oo iyadu ku tilmaantay falkaasi mid ka mid ah xeeladaheedii ay ugu bedeshay dagaaladii ay dalka ka wadeen.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: