Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya oo Dhambaallo Tacsiyo ah ka helay Gudaha iyo dalka Dibaddiisa.

Halkaan ka akhri

Wasiirkka Diinta iyo owqaafta dalka Jabuuti

Jamhuuriyada Jabuuti ayaa dowladda FKMG iyo shacbiga Soomaaliyeed uga Tacsiyeeysay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheikh Xasan Faarax, iyadoo dhanka kale Shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqday inay Cadawgooda meel uga soo wadajeestaan.

Wasiirkka Diinta iyo owqaafta ee jamhuuriyada ee Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaanoo Radio Muqdisho la hadlay ayaa fal arxan darro ah ku tilmaamay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay marxuum C/shakuur Shiikh Xasan Faarax.

Mudane Xaamud ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in qof Muslim ah dhiiggiisa la baneysto ayadoo waliba la sheeganayo mgaca Diineed, waxa uu intaa ku daray in shacabka soomaaliyeed ay muujiyaan sabar islamarkaana ay ka bixi doonaan dhibatada ay ku hayaan kooxaha diinta ka been sheegaya.

Guddoomiyha Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa Tacsi u diray shacabaka iyo ehelldii uu ka geeriyooday marxuum C/shakuur Shiikh Xasan Faarax oo shalay Muqidsho lagu dilay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in marxuumka ka baxay dowladda Soomaaliyeed in uu ahaa shaqsi si wayn ay u xasuusan doonaan shaqii uu u qabtay dowladda iyo Shacabka islamarkaana ay alle uga baryayaan inuu jannada uu ka waraabiyo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay taariikhada xusi doonto wasiirkii ka baxay, isagoo sheegay in ay ku xusuustaan guullihii ay gaareen ciidamada xoogga in uu kaalin wayn ka qaatay.

ugu danbayntii ayuu ugu baaqay hay’adaha amniga in ay adkeeyeen xarumaha dowladda si aysan u dhicin falal argaggax leh oo lagu waxyeeleeyo qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gashaandhiga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa u tacsiyeeyay qoyska wasiirkii Arrimaha Gudaha ee shalay la dilay, isagoo tilmaamay in ay si wayn u wada shaqayn jireen marxuumka islamarkaana ay malintii inta badan ay waqtigooda wada qaadan jireen hadii ay ahaan lahayd howlgallada ciidamada  ama shirarka.

Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in lagu xasuusto wasiirka inuu qayb wayn ka qaatay guullihii ugu dambeeyay ee ay gaartay dowladda Soomaaliyeed islamarkaana uu ahaa nin Qaran oo si wayn uga dhex muuqday Xukuumadda.

Dhinaca kale R/wasaare ku xigeenka ayaa ka hadlay safar uu ku joogo dalka Ethiopia, waxa uu sheegay in uu kulamo la qaatay madaxda dalkaasi gaar ahaan wasiir dowlaha Gaashaandhiga ee dalka Ethiopia iyo madax kale oo uu sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dal sidii loo sii xoojin lahaa iyo in ay iska kaashadan arrimaha ammaanka labada dowladood.

SomaliSwiss      Muqdisho/Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: